| KOOXDA JAAMACADA HARGIESA OO DACWAD U SOO GUDBISAY XIDHIIDHKA KUBADA CAGTA SOMALILAND |
|
| Friday, 22 January 2010 | |
|
Sida uu sharcigu dhigayo waxa loo dhigay laadka xorta ah(rigoorayaal) halkaasi oo ay guushu ku raacday kooxda Macaarif, kulankaas ciyaareed ee lagu raabay kooxda jaamacada hargeisa maalintaa kadib, waxa ay kooxda jaamacada hargiesa dacwada ka dhan ah ciyaartaa ay wada yeesheen kooxda Al – Macaarif taasi oo ay ku soo eedayeen in kooxda al macaarif sharcigii jabisay iyada oo ay u ciyaarayeen dhalin aan ka tirsanayn Jaamacada.
Waxa arinta dacwada u kuur galay gudida farsamada iyo dacwadaha ee xidhiiidhka halkaasi oo ay soo xaqiijiyeen in ay kooxda Al-Macaarif ku talaabsatay sharci daro, waxa kooxda al Mucaarif u saftay ciyaartoy aan ka tirsanayn jaamacada taasi oo hore loogu shaaciyay in ayna u ciyaari Karin cid aan Jaamacada ka tirsanay,
Waxay gudidu Farsamada iyo dacwadaha ee Xidhiidhku go’aamiyeen lagala noqdo dhibcihii Kooxda Al-Macaarif sidaasna ay ku soo baxdo kooxdii dawcada soo gudbisatay ee rigoorayaasha lagu reebay, waxa wada ciyaari doona Ciyaarta Final Labada kooxood ee Adams iyo Kooxda Hargeisa
Gud: Maxamuud Maxamed Tarabi Xog: Cabdi Siciid Muxumed iyo madaxa farsamada ahna xubin gudida ka tirsan Fiysal Maxamed Caydiid. Somal Sports Hargeisa |
| < Prev | Next > |
|---|





















