Home
Wednesday, 08 September 2010
 
 
KOOXDA NATION LINK (STC) OO KU GUULAYSTAY KOOBKII KUBADA KOLAYGA BISHA RAMADAAN Print
Thursday, 25 September 2008
SomalSportst: Hargeisa 24/09/2008, Kooxda kubada kolayga ee Nation Link (STC) ayaa xalay ku guulaysatay koobkii kubadda kolayga ee Bishan Ramadaan ka socday garoonka Kubada Kolayga ee Tima cade. Ciyaartan oo ay xalay ku loolamayeen labda kooxood eek ala ah Kooxda Nagaad Vs Kooxda Nation Link . 

Ciyaarta oo si habsami leh u bilaabmatay Abaaro 9:00pm fiidnimo ee 24/9/2008 ayaa waxa labada kooxoodba ay soo bandhigeen ciyaar aad iyo aad u heersaraysa ciyaartaas oo dadwaynihii halkaas u soo daawashada yimid ay noqotay mid qancisa. Tartranka oo inta badan ah mid lagu xuso bisha ramadaan ayaa waxa aha intii uu Koobkani socday mid dadwayanaha loo fasaxay in ay bilaa lacag ku daawadaan.

Waxa ay labada kooxoodba la soo galeen dardar iyo weerar midba mid kale uu ku dadaalayay sidii uu uga gacan sareeyn lahaa. Nasiib wanaag waxa ay halkaasi guushu ku raacday habeenkaasi Kooxda Nation Link ( STC) oo keensatay 45 point halka ay Nagaad ka lahayd 41 point. 

  
Kooxda Nation Link( STC) waxa ugu cadcadaa habeenkaas inanka magacasiia la yidhaahdo Maxamed Xasan C/laahi ( Jabiiba) , Maxamed ( Maano), Fu’aad iyo Cabdo, . dhanka kale waxa kooxda Nagaad ugu cadcadaa Amiin Ali Nour, Cuuran. 

  
Gudoomiyaha Xidhiidhka kubada Gacmaha Siciid Axmed ayaa waxa uu mahadnaq u soo jeediyay Maayar Caasimada hargiesa iyo Mulkiilaha shirkada Ganacsi ee Dollar Store oo uu ku tilmaamay in ah gaca laxaad leh ka qaateen dhigida iyo qabashada Tartanka kubada gacmaha. 


Dhanka kale waxa isna la qaban doonaa koob laagu magac daray Koobka koobabka ee ay dhigi doonta shirkada Dahab-shiil kaasi isna habeen danbe ka bilaabmi doona isla garoonka wayne ee kubada kolayga ee Timacade. 

  

  

Diyaariye: D.A.D 

Somalsports Reporter 

Hargeisa

 
< Prev   Next >

Player Profiles

 

 
 

 
 
 
 
 
 
 
 

 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
Polls
Sideed u aragtaa Ciyaaraha Dalkeena?
 
Yaa Ka Masuul ah Ciyaaraha Dalka ?
 
 
Copyright Somalsports
Top! Top!