Home
Sunday, 05 September 2010
 
 
Liverpool Oo Wacdaro Baday Kooxdii Loo Han Weynaa Ee Manchester United Print
Tuesday, 27 October 2009
 Ciyaar aad loo wada sugayay oo ku tirsanayd horyaalka Premier League dalka Ingiriiska ayaa xalay dhex martay labada naadi ee ugu horeeya xaga hanashada horyaalka

Ingiriiska,liverpool iyo Manchester united,  ayaa  fooda isku daray garoonka anfield  ee ay leedahay  kooxda Liverpool.

 Ciyaartan oo ahayd mid ay xamaasadeedu cirka ku shareeran tahay yaa waxay labada kooxoodba soo bandhigeen ciyaar aad u heer sareysa oo u ekayd  ciyaar kama danbays ah waxay labada kooxood lagdamaanba daqiiqadii 15-aad  ayaa waxa kaadh huruud ah loo taagay difaaca baasha bidix ee kooxda  Manchester  united, Ptrice evra,

hadana markii lagaadhay daqiiqadii 37-aad ayaa mar kale huruud loo taagay ciyaatoyga afka hore uga safta kooxda man united ee Dimitra  berbatov iyadoo Manchester  united qabta labadaa kaadh ayaa waxaa lagaadhay waqtigii nasashada ee koox walba ay dib ugasoo waana qaadan lahayd tababareheeda  waana la isku soo laabtay iyada oo koox waliba sidata canaantii tababaraha iyo talooyinkii lasoo siiyay ayaa  waxa weeraro aad u cul culus oo idaba jooga markaliya ooda kaga qaaday kooxda martida loo ahaa ee Liverpool oo dhan walba kaga soo wareegtay difaaca aad ka u awooda badan ee ay leedahay man united  taasina waxay suuro galisay in daqiiqadii 65-aad uu weeraryahanka aadka u daran ee reer  spain Fernando Torres  uu shabaga kooxda man united ku hubsaday gool kii

1-aad taasina waxay keentay in ay ciyaarta xamaasadeedii sii badato daqiiqadii 72-aad ayaa waxa kaadh ka huruuda ad loo taagay Javier mascherano oo khadka dhexe uga ciyaara Liverpool man united ayaa waxa ay bedel ku sameysay laba ka mid ah ciyaartoygeeda, oo kala ahaa Berbatov oo lagu bedelay Owen halka Scholes lagu bedelay Nani, hase ahaatee taasi waxba kama bedelin natiijadii ciyaarta.

 Daqiiqadii 90-aad ayaa waxa kooxda Liverpool goolkii labaad u saxeexay D. N`Gog oo afka hore uga ciyaarayay kooxda Liverpool, sidaana waxay ciyaartii ku soo gaba gabawday 2-0 ay guushu ku raacday kooxda Liverpool.

 

 

 

 

 

 

 
< Prev   Next >

Player Profiles

 

 
 

 
 
 
 
 
 
 
 

 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
Polls
Sideed u aragtaa Ciyaaraha Dalkeena?
 
Yaa Ka Masuul ah Ciyaaraha Dalka ?
 
 
Copyright Somalsports
Top! Top!