| Mancini"Xulka Talyaaniga Wuxuu U Baahan yahay Cassano" |
|
| Tuesday, 27 October 2009 | |
|
"waxaa aaminsanahay in qaranka uu u baahanyhaya ciyaaryahano ,Casano waa xiddig weyn,ciyaaro wanaagsan ayuu soo bandhigay tan iyo markii uu talyaaniga dib ugu soo laabtay" "Anigu ma ihi Tababaraha Xulka Talyaaniga wax dhibaata ahna iguma heyso ,laakiin Taageero ahaan aad ayaa ugu niyad jabi doonaa haddii Cassano laga reebo Ciyaaraha Adduunka" hadalkaas waxaa yiri Mancini.. Haddalka Tababarihii hore Ee Naadiyada Lazio iyo Inter Mancini ayaa ku soo beegmaya xili dhowr maalmood ka hor Uu tababare Lippi shaaciyay in cid walba ay u furantahay albaabka xulka Qaranka Talyaaniga xitaa Cassano,laakiin dad badan ayaa aaminsan in Ciyaaryahan Cassnao uuna ka mid aheyn Ciyaaryhanda Uu Lippi albaabka u furay. Cassano ayaa ciyaaro la jecleestay soo bandhigay tan iyo markii uu Talyaaniga dib ugu soo laabtay ka dib Xilli murugo ah oo u ku so qaatay Naadiga dalka Spain ka dhisan Ee Real madrid,inksatoo uu ciyaaray Uero 2008 haddana nasiib uma yeelan inuu kasbado kalsonida Lippi. Cassano ayaa laga waayey liiska Xiddigihi tabare Marcelo Lippi Ee Ciyaarihii ugu danbeeyay Ee ka tirsanaa isreebreebka World Cup2010 Dhinaca kale Tababaraha Xulka Italy Lippi ayaa diiday inu ka hadlo Mustaqbalkiisa xulka xilli dhawaanahan warbaahinta talyaaniga qorayeen inuu dib ugu laaban doono Naadiga Juventus marka uu dhamaado qandaraaskiisa xulka kaasoo xagaaga damre dhamaan doona
|
| < Prev | Next > |
|---|






Ciyaaryahankii hore Xulka Talyaaniga Roberto Mancini ayaa sheegay in Xulka Talyaanigu ay u baahanyihiin Weeraryahanka Naadiga Sampadoria Antonio Casano ciyaaraha Adduunka Ee sanada soo socoto lagu wado in lagu qabto Wadanka Koonfurta Afrika.













