Home
Sunday, 05 September 2010
 
 
Maradona Oo Lagu Dhaliilay Khibrad Yaraan, Laakiin Waa Kuma Maradona? Print
Thursday, 13 November 2008
Diego Armando Maradona oo todobaadkii hore loo magacaabay jagada tababaranimo ee xulka qaranka dalka Argentina ayaa waxa durba la sSample Imageoo dersay caqabado kaga imanaya qaar ka mid ah khubarada kubbada cagta ee dalka Argentina. Dadkan ayaa waxa ay ku doodayaan inay jirto khibrad yaraan weyn oo Maradona ka haysata dhinaca tababarka kooxaha, maadaama aanu hore u soo tababarin xul qaran. 

Hase ahaatee Maradona ayaa dhaliilaha loo soo jeediyay ku tilmaamay qaar aanay waxba ka jirin oo ay soo maleegeen dad uu ku tilmaamay inay ka xun yihiin horumarkiisa. 

Hadaba Maradona oo ah halyay qaran oo ay ku dhaataan dadka reer Argentina ayaa waxa uu ku dhashay tuulo lagu magacaabo Lanus oo ku taala magaalda Villa Fiorito ee u dhow magaala madaxda dalka argentiin Buenos Aires bishii Octobar 30, keedi sanadkii 1960Maradona waxaa uu ka mid ahaa siddeed caruur ah oo ay dhaleen labadiisi waalid isagoo ah da’dii shanaad ee qoys kiisa 
Diego Armando Maradona waa ciyaar yahanka kubada cagta ugu weyn ee weligii xidha kabbaha kubbada cagta 
Maradoona waxaa uu ciyaaraha uu ku biiray isagoo 15 sano jir ah Maradona a yaa waxa ku biirey xulka junios ka dalka Argentine sanadii 1976
Marka uu gaaadhey 16 sano jir Maradona waxaa loo gu yeedhay kooxda xulka kubbda cagta ee qaranka Argentina isagoo aan la eegayn kartidiisa
hase yeeshee tababaraha xulka qaranka kubada cagta argentin xiligaasi laylinayay Cesar Menotti,ayaa waxa uu Diego u arkey in uu aad u yar yahey waxaana uu u diidey in uu ku biiriyo xulkiisa oo markaa ay ka qeyb galayeen koobka aduunka sanadku amarkuu ahaa 1978 isagoo sheegay in Maradona uu aad yar yahey oo aanu xamili Karin cadaadiska iyo culeyska taranka koobka aduunka. 
Maradona ayaa si niyad jab ah ugu daawaday ciyaarta tartankaasi wadankiisi iyadoo kooxdiisa marka ugu horeysayba tartanka lagaga adkaadey Sanadii 1981 ayaa Maradona ku biirey naadiga Boca Juniors.
Afartii sanadood ee xigtey ayaa Maradona waxaa uu ku soo caan baxey ciyaaraha ka socdey dalkiisi taasoo u horseeday in si fudud loogu daro xulka dal kiisa oo ay ka qeyb qadaneyay tartnaka koobka aduunka oo lagu qabanayey dalka spain sanadii 1982
Argentiin ayaa waxaa u suura gashey in ay u soo baxdo wareega labaad in kastoo hal iyo eber kooxda belguim uga adkaadey xulka Argentine hadana waxay ka badiyeen dalalka hungry iyo Salvador
Maradona ayaa waxaa usuura gashey xiligaasi in uu laba goao u saxeexo kooxdiisi Balse ma ahayn kuwa soo jiitey taageerayaasha 
Mar ay iska hoyimaadeen xulalka taliyaaniga iyo Argentine ayaa maradoona waxa uu kaga baxsan waayey qabsashada iyo xanaaqada ciyaar yahan can aha oo la odhan jirey Claudio Gentile.oo dhinaca daafaca uga ciyaarayay xulka dalka Italy Taasina Maradona waxay u keentay in uu xanaaq la ciir ciiro isla markaana ku dhaqaaqo fal kabaxsan dhaqanka isbortiga waxaana loo taagey kaadhka casaanka ah halkaasi ayaa kooxda argetine lagaga adkaadey ciyaaratasi iyadoo mida ku xigtayna sidoo kale laga badiyey
kooxda argentina ayaa ku guuldararysatay inay usoo baxdo wareega sadexaad ee tartankaasi ciyaar yahan Maradona cadaadiskii lagu hayayna halkaa ayuu dib uga sii bilaabmay ,nasiib wanaag markii uu dhamaadey koobka tartanka aduunaka ayaa Maradoona waxaa uu ku biirey naadiga facaweyn ee Barcelona ee ka dhisan dalka Spain sanadii 1984 halkaasi xirfadiisi ciyaareed si weyn ugu soo muujiyey isla markiiba kooxda kubada cagta ee nadiga Napoli ee kadhisan dalka talianiga ayaa qaadatey oo la wareegtey 

tartankii kubbda cagta ee aduunka sanadkii 1986 ee lagu qabtey wadanka Mexico ayaa Maradona waxaa uu la soo baxey mucjiso caalamka oo idil saameysay malaaayiin qofna dareenka ka xadey kadib markii Maradona kooxdiisi uu soo gaadh siiyey wareega sideedaad oo isaga hor yimaadeen xulka qaranka Ingiriiska iyo xulka qaranka wadankiisa,Maradona ayaa ciyaartasi waxaa uu dhaliyey gool isagoo
goolkaasi uu ku dhaliyey gacantiisi oo dhex dhexaa diyihii ciyaartasi uu u il duufey isla markaana ogolaadey in goolkaasi uu yahay mid rasmi ah taasi ayaa waxay dhalisay muran xoog badan ka dib markii ciyaartaasi dib loo daawadey cadaateyna in goolkaasi uu ahaa mid gacan lagu dhaliyey ayaa murankii iyo xasaradii ka dhexaysay labada dal waa Ingiiska iyo Argentine oo ku saab saneyd lahaansha jasiiradii la odhan jirey falkland ayaa cirka isku sharertey oo labada dal ay ku sigteen inay isku dhacaan .
Maradoona mar wax laga wey iiyey arintaa ayaa waxaa uu ku jawaabey hadii xitaa gacan lagu dhaliyay kubabdaasi waa gacan mucjisa ah mana ay ahayn gacan teydi buu yidhi Maradoona. 
Maradona halkaasi ayuu kasii watey ciyaarihiisa waxaana uu laba gool usa xiixey xulkiisi ciyaartii sami finalka midiii finalkana waxaa uu kageystey goolasha xulka qaran kiisa ay ku badiyeen gacan aad uweyn waxaana 3-2 uga badiyeen xulka galbeedka Germany halkaasi ayuu koobka uu wadankiisi ugu qaadey. 

sumcadii uu ku lahaa naadigiisa Napoli ayaa kor u sii kacdey ka dib markii naadiga uu gaadhsiiyey guulo waaweyn isla markaana u qaadey koobab tiro badan waxaana laba jeer is xigta uu uqaadey kooxdiisa koobka horyaalka dalka taliyaaniga sanadii 1987 iyo 1990 waxayna aheyd guushii ugu horeysay ay kooxda Napoli ay Scudetti yaha dalka talyaaniga ku guulaysato 

koobkii aduunka ee lagu qabtey dalka Talianiga sandii 1990 indhaha dunida oo dhan waxay hal mar soo wada eegeen kooxda ka socotey xulka wadanka argentine iyagoo dhowraya waxa uu la soo shir tagi doono xidigooda mucjisada ah Diego Armando Maradona,laakiin xulka Dalka Argentine oo heystay koobkii aduunka 1986 -dii 
iyadoo 1990 koob kii aduunka lagu qabtey dalka Talyaaniga ayaa xulka Argentine weji gabax kula kulmay xulka dalka Cameron oo qaarada afrika ka socotey waxaana ciyaartaasi Argentine lagaga badiyey 1-0.
ka dib markii kulan kaasi xulka wadanka Argentine laga adkaadey Maradona ayaa waxay saxaafadu weydiiyeen guul daradaasi ku dhacdey xulka wadankiisa waxaana uu Maradona ku jawaabey hadal ka cadhaysiiyay masuuliyiinta xili gaasi ee Qaarada Africa iyo xul kii Cameroon. 

Awoodii iyo kartidii xirfadeed ee Maradona ayaa Argentiin u suura gelisay inay ka adkaato xulka Brazil tartankaasi sidoo kale semi finalka ayaa waxa isku soo baxay xulalka talyaaniga iyoArgentine ciyaartaasi ayaa waxay ka dhacdey garoonka kubada 
Cagta naadiga Napoli uu Maradona ka mid ahaa ciyaar yahanada naadigaasi 

Markii ay ciyaartu bilaabantey ayaa waxa dhacdey in taageera yaasha naadiga Napoli ay ku qeyliyaan ciyaar yahan Maradona hasayeeshee xulka taliyaaniga Ayaa lagaga adkaadey rigoodhayaal loo dhigey ka dib markii ay ismari waayeen.
ciyaartii kama dambaysta ahayd ayaa waxa isku soo baxay xulalka Argenyine iyo galbeedka Germany Waxaana Argentine lagaga adkaadey hal gool oo ahaa Rigoodhe.. 

Tan iyo markii guuldaradii Argetine ay kala kulantey Galbeedka Germany ayaa Sumcadii Mardona hoos u dhacdey.
Bishii March ee sanadkii 1991 -kii yaa ciyaaryahan Maradona waxa lagu helay darooga jidhka fir fircoonida gelisa waxaana ladul dhigey 15 bilood oo ganaax ah in ciyaaraha uu ka fadhiisto.
Ganaaxii markuu dhameystey ka dib Maradona ayaa waxa uu ku gacan saydhay in uu ku soo laabto naadi giisi Napoli waxana uu u wareegey naadi ka dhisan dalka Spain oo layidhaahdo Sevilla, waxaana uu u ciyaaray naadigaasi mudo hal sanno ah .ugu dambeyn tiina waxaa uu dib ugu laabtey naadi ka dhisan dalka Argentine oo layidhaahdo NEWELL'S OLD Boys.
Sanadiki 1994 tartankii koobka aduunka oo lagu qabtey wadanka Mareykanka ayaa Maradona markale mustaqbal kiisa ciyaareed mugdi soo galey Ka dib markii la sheegay in Maradona uu isticmaaley maadada loo yaaqano efidrin isagoo laba ciyaarood oo keli ah uu kooxdiisi u saftay waxaana sidoo kale baadhitaan lagu sameeyay Maradona kaadidiisa laga helay 5 maado oo ciyaaraha mamnuuc ka ah .
waxaana uu gool qurux badan ka dhaliyey xulka dalka Griiga ka hor intii aan laga mamnuucin ciyaaraha. 

 Ciyaar yahan Maradona ayaa waxa uu wadankiisi u saftey 91 kulan oo rasmi ah waxaana uu u dhaliyey goolal gaadhaya 31 gool.
Arintani ayaa dhaawac weyn ugaysatey kooxdiisi waxayna u soo gudbi weyday wareegii labaad oo kooxda Romania ay ka quusiisay. 
Bishii 3 -aad isla sandkii 1994 ayaa Maradona dur badiiba waxaa uu qadey waddo cusub oo ah in uu tababare noqdo waxaan uu macalin u noqdey kooxda ka dhisan wadankiisa ee Deportivo Mandiyú of Corrientes hase yeeshee Jagadaasi ayaa laba bilood kadib uu iska casiley.
Mar labaad ayaa waxa uu tababare u noqday naadiga Racing ka dhisan isla wadanka Argentine mudo afar bilood ah ka dibna waa uu is casilay. 
Ka dib markii Maradona uu u taag waayay in uu leyliyo naadigaasi in ka badan afar bliood. 

Maradona ayaa waxaa uu garoomada ka maqnaa ilaa iyo 2001 da 
bishii November 10 keedi 2001 da ayaa Maradona waxaa uu ciyaarey 
ciyaar ay u sameeyeen ciyaaryahanadii ay asxaabta ahaayeen berigii uu ciyaari jiray, waxaana ragaasi ka mid ahaa ,Ferrara, Suker, Stoichkov, Cantona, Higuita, iyo Romario.
Cod bixin Maradona loogu qaadey internet-ka caalamka Ayaa mardona loogu Codeeyey in uu yahey ciyaar yahanka ugu wanagsan qarniga balse mar kale ayaa arintani waxay dhalisay muran 

FIFA oo ah ururka u xilsaaran kubbada cagta caalamka ayaa ay u cuntami wayday inuu Maradona noqdo ciyaaryahanka ugu wanaagsan caalamka ama boqorka kubbada cagta, waxaana ay abaal marintaasi siiyeen xidiga reer Brazil ee Pele. 

Maradona ayaa sanadkii 2002 waxa uu sameeyay filim ka turjumaya noloshiisa, Maradona waxaa uu leeyahay xaas , laba gabdhood iyo hal wiil . 

Hablihiisa waxaa lagu kala magacaabaa,Dalma iyo Giannina, inankiisana waxa la yidhaahdaa Diego Armando,Jr, afadiisana waxaa layidhaahdaa Claudia Villafane
 
< Prev   Next >

Player Profiles

 

 
 

 
 
 
 
 
 
 
 

 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
Polls
Sideed u aragtaa Ciyaaraha Dalkeena?
 
Yaa Ka Masuul ah Ciyaaraha Dalka ?
 
 
Copyright Somalsports
Top! Top!