Home
Wednesday, 08 September 2010
 
 
Maradona Oo Wax Lagu Qoslo Ku Tilmaamay Hadal Kasoo Yeedhay Sep Blatter Print
Tuesday, 20 October 2009
 Tababaraha xulka Argentina, Maradona, ayaa wax lagu qoslo ku tilmaamay hadal kasoo yeedhay guddoomiyaha FIFA, Sep Blatter, waxanu Maradona yidhi “ waa wax lagu qoslo hadalada kasoo yeedhay Sep Blatter, ma jirto cid aan caayay, keliya waxan ka hadlay siddii ay saxaafadu iila dhaqantay”.

Haddaba Xidhiidha kubbada cagta aduunka ee FIFA ayaa sheegay in ay furayaan kiis ka dhan ah tababaraha  xulka qaranka Argentina kaas oo lagu eedeeyay in uu caayay saxaafada reer Argentine wax yar kadib marki xulkiisa ay usoo baxeen ciyaaraha aduunka Arbacadi lasoo dhaafay.

Gudoomiyaha FIFA Sepp Blatter ayaa ku dhawaaqay in gudiga dishibiliinka ee FIFA ay furiyaan kiiska ka dhanka ah Diego Maradona markii uu hadalo aflagaado iyo faquuqid ah ka jeediyey TV-ga dalka Argentine hadaladaas oo uu jawaab uga dhigay qaar ka mid ah dad isaga kasoo horjeeday iyo saxaafada.

Blatter ayaan  ku faraxsaneyn hadalada khaldan ee uu ku af lagaadeeyey Maradona dadka dhaliila ee reer Argentine wuxuna hoosta ka xariiqay in kiiska si rasmi ah loo furi doono toddobaadyada soo socda.

Tababaraha xulka Argentina, Maradona, oo ah nin hadal badan oo inta badan aan u meel dayin hadalkiisa ayaa si cadho leh ugu jawaab celiyey qaar ka mid ah dadka reer Argentina iyo saxaafada.

Marki ay xulkiisa usoo baxeen ciyaaraha aduunka ee soo socda  ayuu shir jaraa,id qabtay isaga oo yidhi "waxan u mahad celinayaa ciyaartooydeyda oo muujiyey ciyaar wanaag,waxaan jeclaan lahaa in aan u hibeeyo guushaan dhamaan dadka reer Argentine gaar ahaan qoyskeeyga,laakin waxaa jirta koox aan  u qalmin kuwaas waa koox igula dhaqmay  hab rabshad ay ku dheehan tahay,anigu  inta badan ma akhriyo jaraa,idka mana dhageysto barnaamijyada isboortiga laakiin hablaheyga  ayaa arrimahaasi daneeya iyaga ayaa ii sheegay in ay jiraan dad aniga iga soo horjeeda dadkaasi waxan leeyahay dib u liqa candhuuftiina.

Maradona ayaa laga yaabaa in ciyaaraha laga ganaaxo kulamo ka tirsan ciyaaraha aduunka.

 
< Prev   Next >

Player Profiles

 

 
 

 
 
 
 
 
 
 
 

 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
Polls
Sideed u aragtaa Ciyaaraha Dalkeena?
 
Yaa Ka Masuul ah Ciyaaraha Dalka ?
 
 
Copyright Somalsports
Top! Top!