Home
Sunday, 05 September 2010
 
 
Maxaa Lagu Xusuusan karaa Xulkii Kubada Cagta ee gobolka Togdheer ee CAAFI Print
Saturday, 19 June 2010
 Waxaan halkan ka salaamayaa shabakada wararka ee hadhwanaag news waxaan marka xigta aan salaan aad u qiimo badan aan hawada usoo marinayaa dhamaan shacabwaynaha somaliyeed meelkasta oo ay joogaan, muqaalkaygan oo aan doonaayo inaan  bulsho waynta reer Togdheer iyo dhamaan guud ahaan Jamhuuriyada  somaliland aan xusuusiyo taariikhdii halyeeyadii xulka kubadda cagta ee CAAFI.

Taariikhu iyadaa is qorta ee ciyaartoyga caafi maaha wax aan halkan idinku baraayo taariikhdii iyo magacii ay ku lahaayeen bulashada dhexdeeda iyo magacii ay usoo hooyeen gobolka togdheer, xulka kubadda cagta ee caafi togdheer waxay ahaayeen ciyaartoy ka sheegan gobolka togdheer iyo guud ahaan somaliland iyagoo ku guulaystay marar badan koobab badan oo loo dhigay horyaalka kubada cagta ee togdheer.
 
Ciyaartoyga caafi waxay ahaayeen xulkii ku guulaystay labo jeer koobkii loo dhigay xulalka gobolada Somaliland,labo jeerna kalinta labaad galay, xulka kubadda cagta ee caafi waxay ahaayeen dhalinyaro khibrad iyo firfircooni dheeraad ah u lahaa habka ciyaarta, waxay ahaayeen ciyaartoy  aan badidoodu lahayn wax balwad ah.
 

Hadaba Xagay ku dambeeyeen Ciyaartoygaasi?

 

Waxaa dhacay kadib markii wadankii uu qabsaday Madaxwayne riyaale in ay waayeen daryeelki ay xaqa u lahaayeen iyo shaqooyin oo wadankii uu noqday meel layska fadhiyo taasina ay sababtay in ragii kalabadh uu tahriibo oo uu maro jidkii dheeraa ee geerida oo rag badan oo ay reer burco ku indha kuulan jireen ay ku geeriyoodeen,waxaa hubaal ah hadii  maanta ay caafi jiri lahayd in ciyaartoyga  somaliland ay ku dayan lahaayeen oo ay noqon lahayeen ciyaartoy ay Somaliland ku indha kuulato Caafi.
 


Hadaba waxaan usoo jeedinayaa Dhalinta Somaliland gaar ahaan reer togdheer indhihiina waad ku aragtaan raga sawirka ka muuqda in qaarkood ay marxuumiin yihiin oo aan jeclahay marka ad daawataan aad alle uga baridaan in uu naxariistii jano ka waraabiyo dhalintaa ku geeriyootay tahriibkaa ay ka cararayeen maamulka riyaale in hadii 5 sano oo dambe la doorto riyaale inaan wadanka dhalin dambe ayna ku hadhayn oo maanta Caafi aya wadanka ka yaacdaye in wadanku uu faaruq noqon doono hadiii alle idmo,dhibka tahriibka waa lala qabaa ciyartoyga reer togdheer oo ragbadan oo reer maroodi jeex ah iyo reer awdal ah oo aanu sxb ahayn ayaa ku jira ku haligmay tahriibka oo iyana uu muqaalkaygani khuseeyo.
 
Waxaan hadalkayga kusoo koobayaa Alle ha u naxariisto dhalinta reer somaliland ee ku haligan tay badaha ee markii ay wadanka ka waayeen ama ay arkeen mustaqbalkoodii oo mugdi ku jira maankooda ka keenay inay raadsadaan nolol dhaanta ta maamulkiisa uu haysto udub ee uu madaxda ka yahay Riyaale. 

        

 

 

WABILLAAHI TOWFIIQ

Ali Ismail Osman

Hageisa Rep Of Somaliland

 
< Prev   Next >

Player Profiles

 

 
 

 
 
 
 
 
 
 
 

 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
Polls
Sideed u aragtaa Ciyaaraha Dalkeena?
 
Yaa Ka Masuul ah Ciyaaraha Dalka ?
 
 
Copyright Somalsports
Top! Top!