| SANAD GUURADA LABAAD EE KOOXDA JAAMACADA GEESKA (IHU) |
|
| Wednesday, 27 August 2008 | |
|
Diyaariye: Mr: Ducaale Hargiesa, Somaliland ![]() Waxa caawa lagu soo bandhigay Xaflad sanad guuro taasi oo lagu xusaya kooxda Jaamacada Geeska waxaana lagu soo bandhigay Hoolka Jaamacada Geeska. 25/08/2008, saacadu markay ahayd 7:00pm fiidnimo. Kooxdan oo waxa la aasaasay 2004 waxay ka mid yihiin naadiyada heerka 3aad ee kubada cagta Gobalkan Hargiesa waxayna halkan manta ay soo gaadheen ku kasbadeen ismaqal kala danbeeyn iyo akhlaaq wanaagsan waxa intaa u dheer maamulka kooxda oo ah mid had iyo jeer u heelan dhiiri galinta kooxdiisa. Sanad guurada sidan oo kale ah ma aha tii ugu horeeysay waa tii labaad taasi oo ay iyagu isa soo abuubuleen iyada oo ay taageero buuxdana ka heleen maamulka jaamcada geeska ee ay magacooda ku ciyaaraan. labadaa xafladood oo si wacan loo soo agaasimay waxa maaliyad lacag ku baxday 6900/= ru ahaan tii waxay kooxdu ku guulaysatay 2 koob halka ay ka guuldaraystay laba koob oo final ah ![]() Waxa dhalinta kooxdani gacmo furan ku soo dhawaynaysaa walaalahooda kale in ay sidan oo kale iyana wax u qabsan karaan iyaga oo aan cid kaleba isku halayn, kubaduna waa ta manta kaliya ee lagaga badbaadi karo dhaqamada xun xun iyo mukhaadaraadka. ![]() Gabogabadee waxa halkaas waano iyo hadalo dhiiri galin ku jirto dhalinta faray maamulka Jaamacada Geeska Mr Muuse. Ugu danbeeyna halkaas ayaa lagu gudoonsiiyay abaalmarino wixii laagu soo talao galay qaar ka mid ah dhalinta. |
| < Prev | Next > |
|---|
























