Home
Sunday, 05 September 2010
 
 
SHIRKADA MSG EE MAAL GAALIASAY SOMALILAND LEAGUE CUP 2007 Print
Wednesday, 31 December 2008
Xaflad si balaadhan loo soo agaasimay oo shalay lagu qabtay Hoteelka Empiriel ee magaalada Hargeysa, ayaa waxa abaal-marino kala duwan lagu gudoonsiiyay kooxihii kaalinta 1-aad iyo 2-aad ka galay tartankii horyaalka kooxaha heerka 1-aad ee caasimadda Hargeysa

Xafladaas ayaa waxa ka soo qayb-galay Wasiirka Dhalinyarada iyo Ciyaaraha, Gudoomiyeyaasha Xidhiidhka kala duwan ee Wasaaradda, Xildhibaano, xubno ka socday Axsaabta Qaranka, Maamulka iyo ciyaartoyda naadiyada heerka 1-aad iyo marti-sharaf kale. Tartankaas oo ahaa kii saddexaad ee ka qabsooma caasimadda Hargeysa, ayaa waxa maal-gelisay shirkadda MSG, isla-markaana bixisay abaal-marinada kala duwan ee tartankaas.

 

Sample Image

MSG Board

Sample Image

 Koobobka iyo abaalmarinada Shirkada MSG

 

Sample Image

 Kooxdaa Goodir oo Ku guulaysatay Somaliland League CUP

Sample Image W.W.Dhalinyarad Maxamed iyo Madaxa Arimaha Bulshada ee Shirkada MSG

 Sample Image

Photo Group

Sample Image

 Koobkii iyo abaal marinadii labixinayay

 Sample Image

 Photo Group

Gudoomiyaha Arrimaha Bulshada ee MSG, Cabdirisaaq Ismaaciil Maxamed (Cabdi-kildhi) oo isna halkaa ka hadlay ayaa waxa tilmaamay waxyaabaha u sahlay inay hawsha ciyaaraha ka qayb-qaataan ay tahay Muumalaha shirkadda MSG oo ah nin dhalinyaro ah, isla-markaana ciyaartoy ahaan jiray. “Waxyaabaha noo suurto-geliyay inaanu hawshan ka qayb-qaadano oo aanu waliba si xoog ah isaga xil-saarno, annaga nin maamulaha noo ahi waa nin dhalinyaro ah, isla-markaana waa nin garanaya kubadu waxay tahay oo nin ciyaartoy ah waana Cumar-saalax oo aan u malaynayo inaad wada garanaysaan. Waa ninkii naadigii NPP hormoodka u ahaa, markaa waa nin ku dhiirinaya mar walba, ninka ku xigaa waa Cabdifataax oo isna ah nin dhalinyaro ah. Taasina waxay keenaysaa in dhalinyarada waayahooda ay dhalinyaradu la dhadhamiso.” Ayuu yidhi Cabdirisaaq Ismaaciil.

Ugu dambayntii waxa halkaasi abaal-marino lagu gudoonsiiyay, kooxda Gaashaan oo ku guulaysatay koobka kaalinta koowaad, Goodir oo gashay kaalinta labaad. Halka ciyaartoyga Bashiir Cabdi Cabdilaahi oo qaaday gool-dhalinta ka tirsanaa naadiga Gaashaan uu ku guulaystay abaal-marin lacageed oo dhan 100$, halka Jamaal oo ka tirsan naadiga White Sand Village uu isna noqday laacibkii ugu wanaagsanaa tartanka oo isna la gudoonsiiyay lacag dhan 100$

 

Somaliland Sports News

Somalsports.com

Amiin Hashi

 

 
< Prev   Next >

Player Profiles

 

 
 

 
 
 
 
 
 
 
 

 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
Polls
Sideed u aragtaa Ciyaaraha Dalkeena?
 
Yaa Ka Masuul ah Ciyaaraha Dalka ?
 
 
Copyright Somalsports
Top! Top!