| SOHASCO: Tartanka Ka Hortaga Tahriibta oo ka bilaabmay Garoonka Kubada Cagta ee Gac-Dheere |
|
| Tuesday, 11 May 2010 | |
Hargeisa(GNS) waxaa Maalintii Doraad ka bilaabmay garoonka Kubada cagta ee Dugsiga Gacma-DheereTartan Kubada Cagta ah oo loogu magac daray Kahortaga Tahriibta. Tartankaasi oo ay soo qaban qaabiyeen Ururka dhalinyarada Mutadawiiciinta ee Somaliland Health and Socail Care Organization (SOHASCO
Siday noo sheegaan Masuuliyiinta Ururka SOHASCO Tartankan waxaa ka qayb galaya Sideed Kooxood oo kamid ah kooxaha Heerka Labaad (Second Division) ee ka dhisan Magaalada Hargaysa, waxaanay kala yihiin kooxahaasi (Danab, Morny Milk,Daallo, ABU-Site, Goljano Group,SOLYCADO, City College, SLSC). Hadaba tartankan oo loogu tala galay sidii dhalinyarta looga wacyigalin lahaa Khatarta ay leedahay Tahriibtu. Waxa kulankii ugu horeeyay fooda isdaray labada kooxood ee Morny MILK iyo DANAB, markii ciyaartu bilaabantay labad kooxood ba waxay soo banddhigeen ciyaar aad u heer saraysa, markay ay marsaysay ciyaartu waxaa daqiiqadii 13aad, usuurta gashay kooxda Morny Milk inay dhaliyaan Goolkeedii koobaad waxaana usaxeexay laacibkooda khadka dhexe ee Mahamed Daahir(Biciyo) saddex daqiiqadood kadibna waxaa labeeyay A/Fataah oo kaciyaara afka hore, ciyaarta qaybteedii horena waxaa lagu kala nastay 2-0 ay ku hogaaminayso kooxda MORNY MILK, Markii laysugu soo noqday qaybtii danbe ayaa waxa kooxda DANAB ay muujisay dadaal badan iyo ciyaar aad uqurux badan waxaanay daqiiqadi0i 17aad ee qaybtii danbe ay keensatay Kooxda Danab Gool uu dhaliyay Maxamed Liibaan Ahmed oo afka hore uga ciyaarayay kooxda Danab, dadaal badan oo ay samaysay hadana way usuurtoobi wayday inay layimaadaan goolka barbaraha. Waxaanay ciyaartii ku dhamaatay 2-1 ay ku badisay Kooxda MORNY MILK. Dhinaca kale waxaa iyana kulan xiiso badan dhexmaray labada kooxood ee kala ah ABU-SITE IYO DAALLO, kulankaasi oo ahaa mid aad iyo aad uxiiso badan, dadkii ciyaartaasi daawanayna aad usoo jiitay waxaa guushu 1-0 kuraacday kooxda ABU-SITE. |
| < Prev | Next > |
|---|

























