Home
Sunday, 05 September 2010
 
 
SOHASCO iyo Xafladdii Xidhitaanka Tartanka Ka Hortagga HIV/AIDS ka iyo Tahriibka Print
Saturday, 29 May 2010

 Hargeysa (Jam)- Ururka dhallinyarada mutadawaciinta ee Somaliland Health & Social Care Organization, ayaa habeen hore ku qabtay hotel Summer Time xaflad loogu talogalay xidhitaanka tartan la xidhiidha ka hortagga xannuunka HIV/AIDS iyo tahriibta oo 8 – 20 May ka socday garoonka kubadda cagta ee dugsiga Hoose/Dhexe Gacma-dheere ee magaalada Hargeysa.

Ugu horreyn, guddooomiyaha ururka SOHASCO, Md. Cabdirisaq Xuseen Jaamac, ayaa ka warbixiyey ujeeddada xafladdan loo qabtay, waxaanu sheegay in ay tahay in la gudoonsiidoono abaal-marinta ay mutaysatay kooxdii ku guduulaysatay koobka iyo cidkasta oo mutaysatay in la abaalmariyo muddadii uu tartanku socday, waxaannu u hambalyeeyey kooxda Morny-Milk dedaalkii ballaadhan ay u soo galeen sidii ay ugu guulaysan lahaayeen tartankan.

 

Waxa kale oo uu guddoomiyuhu ka warbiyey ujeeddada ay u qanteen tartanka, waxaanu yidhi; “Ujeeddada aanu u qabanay tartankani waxay ahayd sidii aanu dhallinyarta ugu wacyigalin lahayn laba arrimood oo khatar badan ku haya, kuwaasi oo kala ah xannuunka dilaaga ah HIV/AIDS iyo tahriibka, waxanan intii tartanku socday siinaynay dhallinyarta duruus ku saabsan labadaa arrimood, waxaanan bulshawaynta u soo jeedinayaa taageeraan dadaalka loogu jiro sidii dhalinrta looga badbaadin lahaa labadaasi khatarood.”

Guddoomiye Cabdirisaaq waxa kale oo uu ka warramay ururka SOHASCO taariikhdii la aasaasay, waxyaalaha uu ka shaqeeyo iyo wixii uu qabtay muddadii uu jirayba.

“Ururkan waxa la aas-aasay koox dhallinyaro jaamiciyiin ah bishii March 2009. Waxyaayalaha ururkani uu ka shaqeeyo waxa weeyaan HIV/AIDS-ka, waxbarashada dadban iyo ciyaaraha. Waxyaalaha uu qabtay ururku muddadii uu jiray waxay ahaayeen, waxyigalino ku saabsan xannuunka HIV/AIDS, kaasi oo aannu ka fulinay dugsiyada Hoose/Dhexe Gacma-dhaare iyo Sh.Bashiir, tartan kubadda kollayga ah iyo ololayaal nadaafadeed oo aannu iyagana ka fulinay qaar ka mid xaafadaha magaalada Hargeysa,” ayuu yidhi Guddoomiyaha SOHASCO.

Ugu dambayntii guddoomiyuhu wuxuu u mahadceliyey cidkasta oo taageerta ururka SOHASCO, kuwaas oo ay ka mid yihiin, African Airways, ASAL Printing, SAGALJet, ururka HAVAYOCO, Summer Time Restaurant iyo guud ahaan bahwaynta saxaafadda Somaliland, kuwaasoo uu sheegay inay taageero hiil iyo hooba ah la garab taagan yihiin ururkooda. Waxa kaloo uu u mahadciyeyey guddidii maamulaysay tartanka muddadii uu socday oo uu sheegay in aanay la’aantood aannu tartankani qabsoomeen.

Guddoomiyaha ololaha Gobolka Maroodijeex ee xisbiga UCID Md. Jiir Cali Madoobe, ayaa isna u hambayeeyey ururka SOHASCO ee suurtogaliyey wax ay qaban kari waayeen kuwo iyaga ka awood iyo dhaqaalaha badani, wuxuuna uga mahadciyey sida fiican ay tartanka u soo wadeen muddadii uu socday, isagoo ka waramay sida loogu baahan yahay in dhallinyarta loogu qabto tartanada caynkan oo kale ah.

Waxa kaloo uu sheegay in uu ahaan jiray ciyaaroygii hore ugu ciyaari jiray gobolka Waqooyi Galbeed, uuna xiiseeyo ciyaaraha, dhiirrigaliyana, waxaanu sheegay in xisbiga UCID sida barnaamijkiisa ku cad ay dhalinyarta ay wax badan u qaban doonaan taasi oo anaay maanta haysan, waxaanu ka codsaday in codkooda siiyaan cidii iyaga wax u qabanaysa.

Mudane Bashiir Cabdisalaam Cige oo ka mid ah xubnaha golaha dhexe ee xisbiga KULMIYE, ayaa isna munaasibaddaasi ka soo jeediyey erayo iskugu jiray mahadcelin, dhiirigalinyo iyo waano uu soo jeediyey dhalinyarta Somaliland gaar ahaan kuwa reer Hargeysa, waxaanu yidhi; “Waxaynu galaynaa xilli doorasho, loona baahana yahay inaydin wax badan ka fikirtaan, codkiinana aadsiisaan cid idiin cawil celisa.” Waxa kaluu tilmaamay dhibaatooyinka ka haysta dhallinyarada dayactir la’aanta goobaha isboortiga, waxaanu balan qaaday ka xisbiga KULMIYE ahaan in ay wax badan ka qaban doonaan ciyaraha Somaliland.

Waxaan kaloo isna halkaasi ka hadlay Mutafe (Dagadago) oo ka mid bahwaybta ciyaaraha Somaliland, waxaanu hambayeeyey ururka SOHASCO, sida fiican ee ay u taageeraan waxna ugu qabtaan ciyaaraha, waxaa kaloo uu u mahad-celiyey cidkasta oo suurtogalisay inuu tartakani qabsoomo.

Mr. Dagadago waxaa uu ku dheeraaday waayahay ciyaaraha Somaliland maanta halkay marayaan sidoogu baahan yahay in wax loogu qabto, waxaanu ku eedeeyey xidhiidhka kubada cagta Somaliland uu gabay xilkiisii, haddii aan si dhakhso ah aan wax looga qabana lays waydiin doono halka ay mareen ciyaarihii Somaliland.

“Waynu ognahay halka ay marayaan waayaha isboortiga Somaliland siiba kubadda cagtu, ma lihin xul qaran mid golboleedyo toona, waxana u sabab ah xidhiidhka kubadda cagta oo isagu ka masuul ah, waxaanu gabay shaqadiisii, waxana loo baahan yahay in si dhakhso ah loogu gurmado,” ayuu yidhi Mutafe Dagadago.

Waxa isna halkaa ka hadlay Abwaan Xasan Daahir ismaaciil (Weedhsame), waxaanu hambalyeeyey kooxda ku guulaysatay tartan ee Morny-Milk iyo ururka SOHASCO ee suurtogaliyey inay howshani qabsoonto.

Waxaanu abwaanku halkaasi ka jeediyey maanso la xidhiidhay mid ka mid ah ujeeddooyinkii tartankan loo qantay, taasi oo la yidhaa Galiilyo. Maansadu waxay ka warramaysaa khatarta tahriibka, dhibaatooyinka laga kulmo iyo marka la tahriibo ee qofku tago dal iyo dhul shisheeye oo aanu garanayn wax fikrad ahna aanu ka haysan marka uu tago dhibaatooyinka uu kala kulmo, waxaanay maansadu hogo tusaalaynaysaa sawiraysaana waxyaabahaasi oo dhan.

Waxa iyana halkaasi ka hadlay Cabdiraxmaan Warsame Nuur oo ka socday dalladda SAHAN HIV/AIDS Network, guddoomiyaha ururka SOCSA Marwo; Khadra Kaliil Cabdi iyo Mustafe C/raxmaan Cabdilaahi, waxaanay dhammaantood hambalyeeyey kooxda ku guulaysatay tartanka iyo ururka SOHASCO ee tartankan suurtogaliyey iyo cid kasta oo ka taageertayba, iyagoo sheegay in labada arrimood ee tartanka loo qabtay yihiin laba arrimood oo u baahan in wax laga qabto, waxaanay isku raaceen in ururkani yahay marka loo eego ururka ugu wax qabadka badan ururrada dhallinyarta ee ka jira magaalda Hargeysa muddooyinkii ugu dambeeyey.

Ugu dambayntii waxa xafladdaasi soo xidhay Guddoomiyaha Dallada Dhallinyarta Somaliland ee SONYO Md. Yaxye Maxamuud Ubahle, waxa uu ammaan iyo bogaadin ujeediyey ururka SOHASCO kaalinta firfircoon ee uu kaga jiro hawlaha wacyigalinta xannuunka HIV/AIDS-ka iyo tahriibka iyo horumarinta isboortiga Somaliland iyada oo aanay ciddina ka caawin fulinta howshaas.

Waxa kaloo guddoomiyuhu sheegay sida loogu baahan yahay in dhallinyarta wax loogu qabto, isaga oo ballanqaaday in dalladda SONYO ay taageeri doonto wax kasta oo lagu horumarinayo dhallinyarta Somaliland, maadaama ay ka masuul yihiin, kuna hadlaan afka dhallinyarada Somaliland.

Gebogebadii waxa uu Guddoomiyaha SONYO Md. Yaxye Maxamuud Ubahle halkaas ku guddoonsiiyey kooxdii kaalinta kowaad gashay koobkii ay muteystay iyo ciyaartoyadii kala helay akhlaaqda tartanka Mr. Cabdicasiis Cawil Garaad, ciyaar wanaagga tartanka Mr. Yaasiin Maxamed Cabdi (Garabay), waxa isaguna gool-dhallinta ku guuleystay Mr. Khadiir Mustafe, halka tababarihii ugu wanaagsanaa tartanka uu noqday Mr. Axmed Cali Ismaaciil, Garsoorihii ugu fiicnaana waxa noqday Mr. Xamse Akram Shire (Shiine) iyo shahaado-sharafyo la siiyey shaqsiyaadkii tartankan ka taageeray ururka SOHASCO.

 

Xigasho: Gabiley net

 
< Prev   Next >

Player Profiles

 

 
 

 
 
 
 
 
 
 
 

 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
Polls
Sideed u aragtaa Ciyaaraha Dalkeena?
 
Yaa Ka Masuul ah Ciyaaraha Dalka ?
 
 
Copyright Somalsports
Top! Top!