Home
Wednesday, 08 September 2010
 
 
Seydou Keita “Runtii Ciyaaryahanada Barcelona Oo Dhami Way Daalanaayeen Xitaa Messi” Print
Friday, 23 October 2009
 Ciyaaryahanka khadka dhexe  uga ciyaara Kooxda Barcelona, Seydou Keita, ayaa kooxdiisa difaacaneysa koobka Champions League waxa uu uga digay inay dhayalsadaan ciyaarta

soo socota ee ay la yeelanayaan kooxda Rubin Kazan oo habeen hore dhulka la dhacday kooxda Barcelona.

Keita, oo kooxdiisa la hadlayay ayaa yidhi “ waxa laga doonayaa kooxda Barcelona, inay difaacato horyaalka isla markaana ka badiso kooxda Rubin Kazan”.

Sidoo kale waxa uu Keita ka hadlay xiddiga Messi, oo beryahan dambe awoodiisa ciyaareed hoos u dhacday. “ runtii ciyaaryahanada oo dhami way daalanaayeen xitaa Messi, teeda kale ciyaaryahan Messi, waa nin xirfad wanaagsan, waxan rajeynayaa inuu ciyaarta dambe ka mid noqon doono ciyaaryahanada ugu muhiimsan kooxda”. Ayuu yidhi Keita.

  Kooxda difaacaneysa koobka Kooxaha Horyaalada Europe ee Barcelona ayaa la kulantay guuldaradi koowaad ee kasoo gaadha tartankan mudo 10 kulan ah kadib marki ay xalay 2-1 ku dubatay kooxda heysata horyaalka dalka Russia ee Rubin Kazan .

Kulanki xalay oo ka dhacay garoonka ay caanka ku tahay kooxda Barcelona ee Nou Camp isla markaana ka tirsaneyd group-ka F ayaa Barcelona waxa kasoo gaadhay dharbaaxo ayna filaneyn kadib markii ay meel ku xidheen ciyaaryahanada kala ah Aleksandr Ryazantsev iyo Gokdeniz Karadeniz kuwaas oo labada gool u dhaliyey kooxdooda.

Barcelond oo ay u sacaba tumayeen kumanaan kun oo taageerayaasheeda ah ayaa waxaa daqiiqadi labaad ee ciyaarta ka naxsaday ciyaaryahanka qadka dhexe ee kooxda Rubin ninka la yiraahdo Ryazantsev uu ka dhaliyey gool layaab lahaa,laakin kooxda  Barcelona oo si heer sare ah ku ciyaareysay ayaa bareejeysay daqiiqadii 48-aad marki uu gool u saxiixay Zlatan Ibrahimovic .

Barcelona, Rubin and Dynamo ayaa dhamaantood wada hogaaminaya group-ka waxaana ay wada leeyihiin min afar dhibcood

 
< Prev   Next >

Player Profiles

 

 
 

 
 
 
 
 
 
 
 

 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
Polls
Sideed u aragtaa Ciyaaraha Dalkeena?
 
Yaa Ka Masuul ah Ciyaaraha Dalka ?
 
 
Copyright Somalsports
Top! Top!