| Shirkada Dahab-Shiil Oo Maalgelisay Tartan Lagu Joojinayo Tahriibka Qalab Iyo Direysna Guddoonsiisay |
|
| Tuesday, 11 August 2009 | |
Xaflad lagu furayay tartan kubbada cagta ah oo loogu magac daray ka joojinta tahriibka ayaa shalay lagu qabtay hotel Emperial ee magaalada Hargeysa.
Tartankan oo ay soo qaban qaabiyeen xidhiidhka kubbada cagta isla markaana ay maalgelisay shirkada Dahab Shiil ayaa waxa ka qayb gelaya siddeed kooxood oo heerka koowaad ah.Furitaankii xaflada ayaa waxa hadal kooban ka jeediyay guddoomiyaha xidhiidhka kubbada cagta, C/rashiid Caydiid Yaasiin oo shirkada Dahab shiil ku amaanay sida ay markasta u caawiso ciyaaraha dalka, waxana hadaladiisa ka mid ahaa “waxa maanta furmaya tartan ay ka qayb gelayaan kooxaha heerka koowaad kaas oo aanu ugu magac daray joojinta tahriibka, waxa naga caawiyay qabashada tartanka shirkada Dahab Shiil oo iyadu markasta caawimo la garab taagan bahda ciyaaraha Somaliland,
![]()
xidhiidhku malaha miisaaniyad, sidaa darteed ayaanu u qaban weynay tartamo joogto ah, waxa aanu wax ka sugnaa shirkadaha ganacsiga, waxan dhalinyarada ciyaaraysa ka codsan lahaa inay akhlaaqda wanaajiyaan si dadweynuhu ugu dhiirado daawashada ciyaaraha,haddii kale cidina inoo iman mayso”.Intaa kadib waxa isaguna halkaasi ka hadlay maamulaha guud ee shirkadda Dahab-Shiil, C/rashiid Maxamed Siciid, waxana hadaladiisa ka mid ahaa “waxa sharaf ii ah inaan idinkala soo qayb galo xafladan qiimaha badan, tartankani waa mid muhiim ah waayo waxa lagu joojinayaa dhalinyaradeena tahriibaysa, anagu waxa aanu diyaar u nahay inaanu wixii dalka iyo dadkaba u dan ah ka qayb qaadano”.
![]()
Dadkii kale ee halkaasi ka hadlay waxa ka mid ahaa wasiirka ciyaaraha Maxamuud Siciid iyo abwaan Axmed Aw Geedi.Ugu dambeyntii waxa ay shirkada Dahabshiil qalab sport guddoonsiisay kooxaha ka qayb gelaya tartanka.Hadaba ciyaartii ugu horaysay shalay waxa wada kulmay kooxaha dawlada hoose ee Gebiley iyo 17-ka May waxana ay guushu raacday kooxda D.H.Gebiley oo keensatay 3 gool halka kooxda kalena ay hal gool la timid. Weriye Somal Sports Hargeisa Maxamed Dube
|
| < Prev | Next > |
|---|





















