| Shirkadda Asante Oil Oo sheegtay Inay dalka Ka hirgalinayaan Iskuul Lagu Tababaro Ciyaartoyga Dayar |
|
| Saturday, 23 August 2008 | |
Hargeysa, (Harowo) - Wasiirka Wasaaradda Dhalinyaradda iyo Ciyaaraha somaliland Md. Maxamuud Siciid Maxamed ayaa maanta qalab Isboorti oo muhiim ah ka gudoomay shirkadda Baadhitaanka shidaalka ee ASANTE OIL Isla markaana balan qaad taageero iyo horumarin balaadhaan oo lagu samaynayo goobaha Ciyaaraha iyo Ciyaartooyga ka helay Masuuliyiinta shirkadaas oo safar shaqo dalka ku yimiday.Wakhti kooban ka dib markii xubnaha wafdiga ee booqashadda dalka ku jooga iyo wasaaradda Macdanta iyo biyuhu si wada jir ah u qabteen shir jaraa’id oo ay sharaxaad kaga bixinayaan hawsha shidaal baadhista ah ee shirkadaasi dalka ka bilaabayso ayay shirkadani Wasiirka Ciyaaraha Gudoonsiiyeen Koobab iyo bilado ay ugu tala galeen in lagu qabto tartanka goboladda dalka ee wasaaradu qaban qaabiso. ![]() Wasiirka Macdanta iyo biyaha Somaliland Md. Qaasin Sh. Yuusuf oo ugu horayn halkaa ka hadlay ayaa sheegay in munaasibad kooban ay u qabteen deeq Isboorti oo shirkadu gudoonsiinayso Wasaaradda ciyaaraha waxaanu ku soo dhaweeyay Madaxa Wafdiga si uu sharaxaad uga bixiyo qalabka ay shirkadoodu gudoonsiinayso wasaaradda ciyaaraha. Mr. Jarand Rystad oo ah maamulaha guud ee shirkadaas ayaa faah faahin ka bixiyay sadex koob oo shirkadu ugu tala gashay wasaaradda ciyaaraha, kuwaas oo kala ah Koob wayn oo ay u qorsheeyeen in loo dhigo kooxaha heer qaran ee dalka, hal koob oo la siinayo ciyaaryahanka ugu fiican inta tartanku socdo iyo koob sadexaad oo la siinayo ciyaartooyga ugu goolasha badan wareegaas. Waxa kale oo uu madax wafdigu xusay sida ay shirkadoodu u rabto inay Somaliland ka taageerto ciyaaraha isla markaana horumarrin ku samaynayaan garoonadda iyo goobaha ciyaartooyga loogu tala galay. Ibraahim M. Hassan oo ah maamulaha guud ee Somaliland u Qaabilsan shirkada ASANTE OIL oo isna halkaa ka hadlay ayaa sheegay inay fursad u tahay Somaliland madaxda Shirkada ASANTE OIL oo doonaya inay Somaliland ka caawiyaan sidii wax looga qaban lahaa ciyaaraha. "Waa fursad muhiim ah inay maanta nala joogaan qoladan ASSANTE OIL ka socotaa oo wada sidiin ay ciyaaraha wax inagala qaban lahaayeen, waad aragtaan wadankeena dhalinayaradii shaqo ma hayaan, dhibaatooyin badan baa jira. Waxaan nimankan kula talinayaa inay xagga ciyaaraha wax inagala qabtaan waanay noo ballan qaadeen, wasaaradda iyo wasiirkuna si fiican bay noola shaqayn doonaan, wasiirkana waanu is naqaanaa oo hore ayaanu u wada shaqaynay oo waxyaabo hore oo badan baanu wada qabanay, si fiican bay noogu wada dhaceen, kuwa danbena sidaas oo kale baanu rajaynaynaa inay guul noogu dhamaadaan." Ibraahim M. Xasan waxa uu Dhalinyarada kula taliyay inay ilaashadaan qalabka la siiy, kubaddaha, koobabka ku fara adaygaan, waayo taariikh ayay qofka u noqonaysaa, ayuu yidhi. Shirkada ASANTE OIL ayuu sheegay inay qorshaha ugu jirto samaynta dugsi Ciyaaraha, Xurfadahooda, sharciyadooda iyo tababaradooda lagu barto oo looga talo galay dhalinyarada da’doodu yar tahay ee u dhexeeya 14-15 jir si tobanka sano ee soo socda loogu guulaysto in la saaro ciyaarahayano, Aqoon, xirfad iyo tayo leh oo Somaliland uga qayb gala tartamada Caalamiga ah, gaar ahaan OLYMPIC (Ciyaaraha Fudud) kaalmo sarena ka gaadha. Wasiirka ciyaaraha Somaliland Md. Maxamuud Siciid oo isna halkaa ka hadlay ayaa shirkada ASANTE Oil uga mahad naqay deeqdan ay siisay isaga oo xusay sida ay wasaarad ahaan u soo dhawaynayaan deeqdan oo ah tii ugu horaysay nooceeda ee loogu deeqo. Wasiirka Ciyaaruhu mar uu ka hadlayay doorka wasaaradiisu qaranka ugu fadhido iyo sida ay u tahay muhiim ayuu sheegay in dadka Somaliland ku dhaqan dhalinyaradu ka tahay 75% isla markaana ay jiraan duruufo badan oo ku xeeran sida shaqo la’aan iyo meelo lagu madadaaloodo oo aanay haysan, waxaanu xusay in goobihii ciyaaraha 70% ay burbureen intii soo hadhayna dayac iyo dhaqaale la’aan la bur bureen sidaa daradeed ay aad u soo dhawaynayaan cid kasta oo wax kala qabanaysa. Wasiirku mar uu ka hadlayay ciyaaraha ayuu sheegay inay yihiin wax fududeeya is dhex galka da’yarta, isla markaana horseeda ilbaxnimo iyo horumar, caafimaadkana door wayn ka qaata, sidoo kale ayuu wasiirku tilmaamay sida ciyaaruhu dhalinyarada ugu noqon karaan qaar looga faa’iidaysto wacyi galinta iyo in laga waaniyo xanuunadda faafa, gaar ahaan HIV/AIDs iyo cudurada kale, taasina ay ka dhalanayso baaxada dadka ciyaaruhu kulmin karaan oo ay dhici karto in ciyaar kaliya ay 80-ilaa 90-kun oo qof ku kulmaan taasina ay tahay fursad aan ciyaaraha mooye wax kale oo suura galin karaa jirin. Wasiirka Md. Maxamuud Siciid Maxamed waxa uu ku dheeraaday duruufaha dhaqaale ee hor taagan Wasaarad ahaan iyo sida ay wax wayn dalka iyo dhalinyaradu faa’iidada ay ka helayaan, waxa uu ku soo gabagabeeyay sida ay u soo dhawaynayaan wax kasta oo horumarinta ciyaaraha ku saabsan. Markii la kala gudoomay deeqdaa ayay Wasiirka iyo Wafdigii ka socday Shirkadda ASANTE Oil waxay koormeer indha indhayn iyo qiimayn ah ku soo eegeen Stadyoomka way nee Magaalada Hargesa oo ah ka dalka ugu wayn isla markaana la dhisay wakhti 40-sano ku dhawaad laga joogo oo dayac iyo bur bur badani ka muuqdo isla markaana aan la jaan qaadi karayn heerka caalamiga ah ee ciyaaruhu marayaan, madaxa waftiga ayaa soo wada indha indheeyay dhamaan qaybihiisa kala duwan waxaanu sheegay in shirkadooda ay ka go’an tahay horumarinta iyo wax ka qabashadda ciyaaraha iyo goobaha lagu ciyaaraba, guud ahaana waxa uu kormeerkaasi ku dhamaaday jawi wanaagsan, shirkaduna waxay wasaaradda ka dalbatay inay si deg deg ah u keenaan qiimayn kama danbays ah oo ah kharashka ku bixi kara. Shirkada ASANTE Oil oo hawl baadhitaan shidaal ah ka bilaabi doonta dalka isla markaana lagu wado inay wakhti kooban ku daah furto ama ku soo saarto shidaal ayay xukuumada heshiis ku galeen waana shirkadii ugu horaysay ee hawshaa u badheedha isla markaan cadaysa inay wax ka qabanayso ciyaaraha. Xigasho:- Faysal Maxamed xassan Reporter, Harowo.com Hargeysa, Somaliland Email: This e-mail address is being protected from spam bots, you need JavaScript enabled to view it |
| < Prev | Next > |
|---|




















