Home
Sunday, 05 September 2010
 
 
Shirkadda Ganacsiga Dharka Ee Dollar Store Oo Qalab Ciyaareed Ugu Deeqday Kooxda Kubadda Cagta Ee Ja Print
Thursday, 24 December 2009
 Hargeysa:- Shirkadda Ganacsiga ee Dollar Store, ayaa deeq qalab Sport ah ugu deeqday kooxda kubadda cagta jaamacadda Hargeysa. Qalabka shirkadda Doollar guddoonsiisay ciyaartoyga jaamacadda Hargeysa oo isugu jira dhammaan qaybaha dharka iyo kabaha ee ciyaartoygu xidhaan, ayaa xaflad ballaadhan oo lagu kala guddoomanayey waxa maanta lagu qabtay xarunta jaamadda Hargeysa,

waxaana ka qaybgalay mulkiilaha shirkadda Dollar Mr. Axmed Cumar Cali (Shiine), Guddoomiye-ku-xigeenka Jaamacadda Mubaarik Maxamed Aar iyo xubnaha kooxda kubadda cagta.

 

Ku-simaha Guddoomiyaha Jaamacadda, ahna Guddoomiye-ku-xigeenka Mr. Mubaarik Maxamed Aar oo hadal ka jeediyey xafladaasi, ayaa aad ugu mahadnaqay shirkadda Dollar Store oo uu sheegay inay tahay shirkadda keliya ee caamiwo joogto ah siisa jaamacadda.                                                       

“Aad ayaanu ugu mahadnaqaynaa mulkiilaha Dollar Store oo runtii ah ganacsada keliya ee isku dayey inuu dhinaca ciyaaraha jaamacadda ka dhiso, waanu ka guddoomaynaa deeqdan isugu jirta dharka, kabaha, garamaanta iyo sharabaadada uu ugu deeqay ciyaartoyga jaamacadda Hargeysa,” ayuu yidhi Guddoomiye-ku-xigeenku, waxaannu intaa ku daray, “Jaamacadda Hargeysa uma dhisna oo keliya inay ardayda aqoontooda kor u qaado, balse jidhkooda iyo caafimaadkooda wixii wax ku taraayana inay kor u qaado. Ciyaartoygan waxa la aasaasay ilaa muddo laba bilood ka hor, waana kooxda kubadda cagta rasmiga ah ee jaamacadda Hargeysa magaceeda ku ciyaari doona, waxaannuna ugu talogalnay inay ka qaybgelaan wax alla wixii tartamo ka dhacaya caasimadda iyo gobolladaba.”

 

 

Mr. Mubaarik Maxamed Aar waxa uu sheegay in aan jaamacaddu habayaraatee wax kaalmo ah ka helin ganactada dalka, marka la reebo shirkado yar oo is xilqaamay oo ay ka mid tahay shirkadda Doollar, waxaannu mulkiilaha shirkaddaas ku tilmaamay tusaale lagu danyan karo, gaar ahaan dhallinyarada. Isagoo arrintaa ka hadlayeyna waxa uu yidhi; “Inta badan waxaad moodaa Jaamacadda Hargeysa waxa wada uun arday, maamul iyo macalimiin, hase ahaatee aad bay u yar yihiin deeqaha laga helo ganacsatada amaba ma jiraanba marka laga tagiwaayo dhawr shirkadood oo sidan oo kale isu xilqaamay oo deeqo kala duwan siiyey.

Waxaynu ognahay jaamacaduhu in aanay ku dhisnayn oo keliya lacag arday laga qaado, laakiin ay u baahan yihiin in la iska kaashado ganacsatada, xukuumadda iyo cid kasta oo danaysa waxbarasho inay horumariyaan jaamacadda. Markaa waxaannu ku boorinaynaa ganacsatada kale inay jaamacadda wax taraan, waanuna soo dhawaynaynaa cid kasta oo doonaysa inay jaamacadda wax ku soo kordhiso ha yaraato ama ha waynaatee. Waxaanan leeyahay mulkiilaha Dollar Shiine waxa uu tusaale u yahay dhallinyarada reer somaliland, nin kasta oo raba inuu tahriibo oo bad u galo Yurub oo is leh lacag baad ku soo helaysaa, tusaale waxa u ah Shiine oo waddankiisa jooga, meelna u safrin inuu yeeshay dukaanadda iyo shirkadaha caanka.”

Sidoo kale, Guddoomiyaha Guddiga Arrimaha Ardayda Muuse Aadan oo isna halkaasi ka hadlay, ayaa mahadnaq ballaadhan u jeediyey shirkadda Doollar Store, waxaannu tilmaamay in qalabka shirkaddu jaamacadda siisay uu yahay mid baahi weyn loo qabay.

“Jaamacaddu aad bay ugu mahadnaqaysaa Shiine, waanay ka guddoontay deeqdaasi o ah mid ay si weyn ugu baahan tahay, gaar ahaan waqtigan oo aannu u diyaargaroobayno tartan kubadda cagta ah oo jaamacaddu ka qaybgeli doonto. Shine (mulkiilaha shirkadda Doollar) waa ganacsade aad u da’yar, balse gartay dareenkan wadaniyadda leh,” ayuu yidhi Mr. Muuse Aadan.

Mulkiilaha Shirkadda ganacsiga Doollar Mr. Axmed Cumar Cali (Shiine) oo gebogabadii xafladaasi ka hadlay, ayaa sheegay in deeqdani qayb ka tahay ballanqaad ay hore ugu qaadeen jaamacadda inay kooxda kubadda cagta ka kafaaloqaadayaan dhinaca maalgelinta, isagoo xusay in deeqdaasi ka kooban tahay dhammaan qaybaha qalabka ciyaartoygu xidhaan. Isaga oo arrintaa ka hadlayeyna waxa uu yidhi; “Qalabkani runtii maaha mid aad noogu fudud xagayaga, garamadani waa qaar aad u tayo-sarreeya, isla markaana qalabka oo dhami wuu isku dhammaystiran yahay, waana la dareemi karayaa in ninka ciyaartoyga ah baahidiisa u weyni inay tahay qalab isku dhammaystiran. Ma odhan karno wax baanu siinay, waayo intan iyo wax ka badanba waa la nooga fadhiyaa annaga iyo nin kasta oo muwaadin ah, uma aragno in aannu wax weyn qabanay, tanina maaha tii ugu horreysay ee deeqo badan oo aannu hore jaamacadda ugu deeqnay baa jira, waanuna wadaynaa ee tii ugu dambaysay noqonmayso.”

Axmed Shiine waxa uu dhallinyarada reer somaliland kula dardaarmay, gaar ahaan kooxda qalabka la guddoonsiiyey inay dhawraan akhlaaqdooda marka ay kubadda ciyaarayaan, isla markaana ilaaliyaan magaca jaamacadda iyo ka qarankaba. “Dhallinyarada waxaan leeyahay, mushkilado badan ayaa ciyaaraha waddankeena ka jira, ciyaaraha waxa loogu talogalay is dhexgalka bulshada inay kala faa’iidaystaan oo isku bartaan, laakiin innaga waxaad moodaa ciyaaraha waddankeena ka dhaca inay taa ka soo horjeedaan oo dagaal uun isku rogaan, markaa waxaan leeyahay kooxda, guddoomiyahooda iyo tababarahoodaba inay noqdaan qaar akhlaaqiyaad fiican la yimaada oo magaca jaamacadda iyo ka qaranka somalilandba ilaaliya,” ayuu yidhi Mulkiilaha Shirkadda Ganacsiga ee Doollar Store.

 

Guddoomiyaha kooxda jaamacadda Mr. Dayib oo isna halkaasi ka hadlay, ayaa mahadnaq ballaadhan u soo jeediyey shirkadda Doollar, waxaannu ugu baaqay ganacsatada kale inay ku daydaan.

 


Hargeysa/Somaliland,

 

 

 
< Prev   Next >

Player Profiles

 

 
 

 
 
 
 
 
 
 
 

 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
Polls
Sideed u aragtaa Ciyaaraha Dalkeena?
 
Yaa Ka Masuul ah Ciyaaraha Dalka ?
 
 
Copyright Somalsports
Top! Top!