Home
Tuesday, 09 February 2010
 
 
Tababare Jose Oo Ka Tagaya Kooxda Al-Ahli Ee Dalka Masar Print
Wednesday, 13 May 2009

 Macalinka kooxda Al Ahly ee dalka Masar Manuel Jose ayaa soo gabagabeeyay la joogitaankiisii  kooxda kubada cagta Al-Ahly ee dalka Masar  kadib markii uu ku dhawaaqay  inuu iska casilay xilka tababaranimo ee kooxdiisa.

Tababarahan u dhashay dalka Portugal ayaa isagu ka  tagaya kooxda Al-Ahli  marka ay dhamaato bishan April kadib muddo siddeed sanadood  ah oo uu la joogay naadiga ka dhisan magaalada  Cairo ee caasimada dalka Masar,mudadaasi uu la joogay ayaa waxa uu la qaaday 18 koob oo ay ku jiraan afar horyaal oo ah Koobka Kooxaha Horyaalada Qaarada Africa taasoo ka dhigtay macallinka ugu taariikhda dheer ee kooxda Al Ahly.

Ninkan 63-sano jirka ah oo heshiiska uu kula joogay kooxda Al Ahly uga hadhsan yahay hal sano ayaa waxa lala xidhiidhiyay  xulka qaranka Angola oo haatan tababare  la,aan ah.

Go,aankan uu gaadhay macallin Jose ayaa soo baxay  todobaad  kadib markii kooxda Al Ahly ay si lama filaan ah uga hartay koobka Kooxaha Horyaalada Africa kaasoo ay ka reebtay kooxda ka dhisan dalka Nigeria Kano Pillars.

Jose ayaa ku biiray kooxda Al Ahly sanadi 2001-gii isaga oo isla waqtigaas kula guulaystay koobka  Champions League-ga Africa iyo  Super Cup,markaas waxaa uu ku laabtay dalkiisa isaga oo soo tababaray kooxda Belenenses,hase yeeshee 2003 ayuu mar kale kusoo laabtay isaga oo markaasi kadib afar horyaalka Masar ah iyo laba Koob oo ah koobka Egypt Cup iyo afar koob oo ah Super Cup-ka dalka Masar.

 

 

 
< Prev   Next >

Player Profiles

 

 
 

 
 
 
 
 
 
 

 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
Polls
Sideed u aragtaa Ciyaaraha Dalkeena?
 
Yaa Ka Masuul ah Ciyaaraha Dalka ?
 
 
Copyright Somalsports
Top! Top!