Home
Sunday, 05 September 2010
 
 
Tartan Xiiso Badan Oo Loo Qabtay Dadka Somalida Ah Ee Ku Nool Stockholm Print
Friday, 23 October 2009
 Tartan ay kasoo qeyb galeen jaaliyadaha soomaalida  ee ka dhisan magaalada Stockholm iyo gobolada u dhow ayaa markii ugu horeysay lagu qabtay xaafada Soomaalida sida aadka u

degan tahay ee Rinkeby kana dhisan magaalada Stockholm wadanka Sweden, tartankaan oo ay soo abaabuleen labada urur ee kala ah Benadir FC iyo Jenyo FC ayaa waxa uu dhacay xiligii kuleelaha 26 june 2009 – 7 july 2009.

Tartankaan oo ahaa tartan tijaabo ah ayaa waxaa fikrada lahaa sida kor ku xusan labada urur ee Benadir iyo Jenyo, gudiyada labada urur ayaa isla arkay in ay jirto maalmo aad u badan oo wax barnaamij isborti aanu jirin una dhaxeeya marka iskuulada iyo jaamcadaha fasax galaan oo ah 20 june iyo inta laga gaarayo cayaaraha xagaaga ee sanad walba ka dhaca Stockholm oo ah 15 july. Labada guddi waxa ay isla garteen in la qabto tartankaan isla markaana aan loo arag in uu yahay mid lagu duminayo ama lagu carqaladeynayo tartanka uu ururka Seuki qabto xiliga kuleelaha. Labada guddi ayaa si taxadar leh ula kulmay madaxda maamulka Seuki iyagoo hor dhigay qorshaha tartankan. Maamulka Seuki oo uu horkacayey gudoomiyahooda Shuute ayaa u riyaaqay fikrada isla markaana ka mahad celiyey wada tashiga lala sameeyey, kuna taageeray fikrada.

Ujeedada tartanka ayaa ahaa:

 

* In laga xulo cayaartooydii u matali lahayd cayaartoyda Somali Diaspora ee sanadihii ugu dambeysay safar ku tagayey wadanka Jabuuti.

* In cayaartooy iyo macalimiin farabadan oo fursad aan u helin tartamada xagaaga ee sanad walba ka dhaca stockholm ku muujiyaan xirfadooda.

* In Dhalinyarada iyo massuliyinta jaaliyadaha isbartaan dadweynaha reer Stockholmna ay helaan maaweelo.

Tartankan oo tijaaba ahaa ayey labada urur isla garteen in loo magacaabo gudi farsamo, oo ku shaqeeya rabitaanka kooxaha, sidoo kale waxa ay go

,an sadeen in garsoorayaal Soomaali ah ay cayaaraha garsooraan maadaamo ay joogaan dhalinyaro ka qabta heerarka kala duwan ee horyaalka kubada cagta magaalada Stockholm lagana gudbo kalsooni darada mudada badan ka dhex jirtay kubada cagta Stockholm kaasoo ay inta badan massuliyiinta kooxaha ay aaminsan yihiin in garsooraha Soomaaliga ahi uuna dhexdhexaad noqon karin.

 Cayaartooyda ajnabiga ayaa kooxaha qaarkood ku badnaaa taas oo guddiga farsamadu indhaha ka qarsatay sabab ay ku macneeyeen in ay jiraan dhalinyaro fara badan oo ajnabi oo saaxiib la ah dhalinyaradeena Soomaalida oo aad u jecel in ay la cayaaraan saaxibadood Soomaalida qaarkoodna ay aad u jecel yihiin dhaqankeena Soomaalida, massuliyiinta kooxaha ayaa u arkin wax dhib ah in dhalinyaro aan Soomaali ahayn ay cayaaraan tartankan taa badelkeed waxa ay u arkayeen horumar iyo in laga faaideysto farsamada cayaartooy ka mid ah oo heerar sare ka cayaara horyaalka wadanka Sweden.

Guddigii farsamada oo tartanka maamulayey ayaa ahaa mid albaabada  ugu furnaa dhamaan dadweynaha xiiseynayey in ay gacan ka geysan karaan tartanka, dadka aan ka xusi karo ayaa ka mid ahaayeen Ciid Arsenal oo ahaa nin garoonka ka muuqday maalin walba marka ay cayaartu bilaabanta ilaa ay ka dhamaato, sidoo kale Bashiir Jenyo,Maxamed Muse, Hamdi Shiikh, Mukhtar Shuute,Abdiqani Calim, Cayadaruus,Daamey, Dhabarey,Jeylani iyo Ali Yare.

Tartanka oo jawi aad ay u jecleysteen dadweynihii usoo daawasha tagayey galab walba ayaa u riyaaqay cayaaraha farsamada qurxoon iyo akhlaaqda ay muujinayeen cayaartoyda iyo massuliyiintuba, waxa ay ka codsadeen guddiga maamuulayey in sanad walba qabtaan hadii alla idmo.

Tartankaan oo lagu bilaabay 8 kooxood ayaa kala ahaa.

 

1-Hässelby 2- Jakobsberg 3- Husby 4-Rinkeby Star

 

5-Qaran 6-Alla magan 7-Katrinholm 8- Tensta

 

 
< Prev   Next >

Player Profiles

 

 
 

 
 
 
 
 
 
 
 

 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
Polls
Sideed u aragtaa Ciyaaraha Dalkeena?
 
Yaa Ka Masuul ah Ciyaaraha Dalka ?
 
 
Copyright Somalsports
Top! Top!