| Tartanka orodka 10 km oo lagu qabtay Magaalo Madaxda Gobolka Gabiley:- |
|
| Saturday, 30 August 2008 | |
Tartankan oo ay soo qaban qaabiyeen shabakada dhalinyarada gobolka gabiley oo ay ka soo qayb galeen orodyahanada gobolka gabiley iyo degmooyinkiisa halkaasi oo ay ku tartameyeen 51 orodyahan oo ka mida orodyanada gobolka gabiley ayaa maanta si rasmi ah loogu soo gabagabeeyay tartankaasi.
Ciyaarta orodka ayaa waxay ku bilaabantay dardar iyo iyada oo ciyaartoy kastaa diyaar u ahaa inuu ku guulaysto tartankaasi. 51 Orodyahanba waxay ka soo bilaabeen orodka meel u jirta 10km garoonka kubadda kolayga ee gabiley, ![]() bilawgii ciyaarta ayaa la iswada barbargalay iyada oo aad is odhonayso hal mar ayay goobta wada gaadhayaan,cabaar makii tartanku socday ayaa waxaa markiiba goostay orodyahano dhawr ah oo uu hogaaminayay Orodyahanka da,dayar ee Muxiyadiin Maxamuud cali. Wax jawigu ciyaatu is badalaba markii la soo dhawaaday ilaa biriisha ugu soo horeeya ee magaalada gabiley ayaa waxaa inyar isu jiray labada ciyaartoy ee Muxiyadiin iyo Shirwac oo ugu danbayntiina ku soo dhaafay si lama filaan ah 1km ee ugu danbeeyay halkaana hogaanka ku qabtay Orodyahanka Axmed Muxumed Shirwac oo runtii aad loogu riyaaqay orodkii uu halkaasi ku soo bandhigay. Wax yar ka bacdi waxaa isna si mucjisaysan ugu soo booday kaalinta labaad oo uu markii hore muxiyadiin ku jiray Orodyahanka C/risaaq maxamed suufi oo ku guulaystay kaalintii labaad halka uu muxiyadiin yare ka helay kaalinta seddexaad ee tartanka orodka gabiley. Gabagabadii ciyaarta waxay natiijadii 10-ka orodyan ee ugu horeeyay u kala heleen sedan:- Kaalinta koowaad : waxaa ku guulaystay Axmed Muxumed shirwac 33m Gabiley Kaalinta labaad waxaa ku guulaystay C/risaaq maxamed Yuusuf 38m Gabiley Kaalinta sedexaad: waxaa ku guulaystay Muxiyadin Maxamuud Cali 39m Gabiley Halka ay kaalmihii kale ku kal guulaysteen ciyaartoyadan hoos ku qoran: 4- c/raxman dayib aw xasan (kalabaydh) 5-Axmed Maxmed Kahin (Arabsiyo) 6-Cumar Cali maxamuud (Gabiley) 7-Ismaaciil Saleebaan Muumin (Gabiley) 8- Farxaan Maxamed Siciid (Gabiley) 9-Cali Maxamed Xaamud (Gabiley) 10-Khadar Maxamed Abiib (Gabiley) ![]()
Axmed Aw Nuur Ducaale Gabiley news Agency This e-mail address is being protected from spam bots, you need JavaScript enabled to view it Gabiley Office |
| < Prev | Next > |
|---|






Tartankan oo ay soo qaban qaabiyeen shabakada dhalinyarada gobolka gabiley oo ay ka soo qayb galeen orodyahanada gobolka gabiley iyo degmooyinkiisa halkaasi oo ay ku tartameyeen 51 orodyahan oo ka mida orodyanada gobolka gabiley ayaa maanta si rasmi ah loogu soo gabagabeeyay tartankaasi.
Ciyaarta orodka ayaa waxay ku bilaabantay dardar iyo iyada oo ciyaartoy kastaa diyaar u ahaa inuu ku guulaysto tartankaasi. 















