| Tartankii Khalkhalka Ka Dhex Dhaliyay Dhalinyrada Iyo Wasaararada Ciyaaraha Oo La Soo Gabogabeeyay & |
|
| Sunday, 18 April 2010 | |
|
Tartankan oo ay isugu soo hadheen labada kooxood ee Axmed Dhagax iyo Kulmiye ayaa waxa ay guushu 1-0 ku raacday kooxdii ku ciyaaraysay magaca Kulmiye, taas oo ay dhashadeen ciyaarta qaybteedii dambe.
Guddoomiyaha olalaha Doorashada ee Gobollada Galbeed Xisbiga Kulmiye Baashe Cabdi Gaboobe oo si gaar ah ugu warmayay shabakada caalamiga ah ee Hadhwanaagnews ayaa sheegay in ay aad ugu faraxsan yihiin in tartankii kubada cagta ee ay dhalinyarada shanta degmo ee caasimada u qabteen uu si nabad ah ugu dhamaaday. Guddoomiyuhu waxa uu mahadnaq gaar ah u soo jeediyay ciyaaryahanada iyo taageerayaasha degmooyinka waxaanu uga mahadnaqay sida fiican ee ay ula socdeen ciyaarahan. “Waxa farxad iyo sharaf noo ah in aanu ka soo qeyb galno Ciyaartii kama dambeysta aheyd ee tartankan uu soo qabanqaabiyey Xisbiga Kulmiye, waxanaan kooxaha iyo taageerayaashoodaba uga mahadnaqayaa in tartankii kubada cagta ee aanu soo qaban qaabinay uu si nabad ah u dhamaaday”
Dhinaca kale xildhibaan Axmec maxamed diiriye Nac-nac oo isna la hadlayay shabakada caalamiga ah Hadhwanaagnews ayaa sheegay in ay nadiifin doonaan garoonka kubada cagta ee Hargeysa Stadium oo uu sheega in aan la fadhiyi Karin.
Xildhibaanka ayaa ku nuuxnuuxsaday in ay taasi iman karto oo keliya hadii ay wasaarada dhalinyarada iyo ciyaaruhu u ogolaato “Hadii uu maanta tartankii kubada cagta ee uu xisbu soo qaban qaabiyay noo dhamaatay waxa noogu xiga oo aan ku dedaali doonaa sidii aanu garoonka uga nadiifin lahayn qashinka iyo saxarada taala waa haddii uu wasiirka ciyaaruhu noo ogolaado oo keliya,”
Xigasho: Hadhwanaagnews |
| < Prev | Next > |
|---|






Tartankii kubada cagta ee ay soo qaban qaabiyeen xisbiga mucaaaradka ah ee kulmiye ayaa galabta lagu soo gunaanaday garoonka kubada cagta ee Hargeysa Stadium.
















