Home
Sunday, 05 September 2010
 
 
U DIYAAR GAROWGA BISHA RAMADAAN IYO SUUQA KALA IIBSIGA CIYAARTOYDA OO KOR U KACAY Print
Wednesday, 20 August 2008
 Qalinkii:
Amiin A Hashi
Hargeisa, Somaliland 


Inshaa allaah waxa fooda inagu soo haya oo yar iyo wayn loo sii diyaar garoobayaa Bishii Ramadaan ee barakaysneed, ( Bil Khayr dhaha) bishan Ramadaan ee barakaysay ayaa dhanka kalena waxay dhalinta ku nool guud ahaanba Somaliland ay yihiin qaar si aad iyo aad ah u xiisiiya bishan marka laga eego dhanka Tartanada Ciyaaraha.... Bishan ayaa waxa ay tahay bisha ugu xiisaha iyo xamaasda badan marka aad eegto magaalooyinka waaweeyn sida Caasimada Hargiesa oo kale waana wakhtiyada ay dhalintu si aadka ah u hadal hayaan Ciyaarahad bisah Ramadaan, hadii aad magaalada ku cusub tahay waxaad iswaaydiinaysaa tallow bilaha kale ma sidaana Ciyaaruhu ?

Hadaba waxa bishan gabogabada ah ee aan ku jiro si way Hargeisa iyo daafaheeda ka dhex aloosan xulashada Naadiyadii ka qayb gali lahaa Tartanadaa laga bilaabayo Garoomada Xaafadaha ku yaala sida , G. Dhalinta. G Guryo-Samo, G Xaawaadle iyo Hargeisa Stadium, G Taradiska, intaas garoon ee aan soo sheegay waa inta ugu waaweeyn ee bil walba lagu qabta Tartanadas.  waxayna inta badan bilaabmaan Ramadaan marka ay shan bari laga sooman yahay.

Akhristoow ma is waydiisay Tartanadaas cida soo qabqaabisa? Hadii aan si kooban kuugu soo gubiyo Agaasinka iyo fulinteeda waliba dhanka maalgalita haday tahay Koobabka iyo Abaalmarinda intaba cida gacanta ku haysa waa. Waxa gacanta ku haya Guddi madaxbanaan oo iyadu iskeed isku xilqaantay taasi oo dhanka gudida G dagaanka ee xaafadaasi ka warqabto. Dhanka amnigana waxa ay toos ugu xidhan yihiin garoon walba saldhiga u dhow si way uga helaan taageero hadii ay wax rabshadi timaado. Iyada oo aynu ognahay in ay Ramadaan tahay oo qof waliba uu isagu masuul ka yahay amniga oo aanu qofna doonayn wax rabsahda in ay dhaco ayaa waxa xaafad walba bulshada ku dhaqan ay galinka danbe ka dhigtaan Maararow oo inta uu afturku u gaadhayo ay halkaas ka daawadaa Ciyaartaas iyada oo qof waliba gaadhigiisa soo kaxaysto ama uu u soo lugeeyo Garonka.

Hadaba halkuu ilaa hada marayaa Suuqa kala iibsiga ee ciyaartoyga doonaya in ay ka qayb qaataan tartanka bisha ramadaan ee ka dhici doona garoomadaas aan soo sheegnay. waana bisha kaliya taasi oo ay inamadu ay ku ciyaaraan Magaca Gacansatada waaweeynee reer somaliland. Taasi oo shirkadii u ah Xayaysiis bishaas oodhan. Inamadu waxay ku qabaan Xaqul Ciid Taasi oo ay abaal marin u siiyaan intaa uu ku soo ciyaarayay magaca shirkada ama Meheradaba, Shirkad waliba waxay ciyaartoy fiican oo magaceeda meel fiican gaadhsiiya ku helaysaa hadba sida uu dhalintee balan qaadkoodu yahay( waa sida ay shirkaduhu u kala Xaqul ciid badan yihii).  

Ma is waydiisay in uu wax lug ah ku leeyahay Xidhiidhka Kubada Cagta Somaliland. Su’aashan jawaabteeda waad haysaa hadii aad tahay akhriste ku nool dalka gudihiisa, akhristow waa arin ay ka seexdee ayaan odhan karaa sidaa ay tan uga seexdayn ayay 11 bilood ee kaleba barkinta u dheeraysteen hadii ay Xidhiidho tahay iyo hadii ay Wasaarad Ciyaareed tahayba. wax gacan ah oo ay ku leeyihin majiraan dhamaan tartanadaas oo dhan waana arin iska cad. 

Gababo gabadii waxaan talo u soo jeedinayaa dhamaan dhalinyarada reer somaliland waxaan idin leeyahay Bil khayr leh Alle ha inooga dhigo, mid uun ogaada dhalinyarooy in aad xasiloonida iyo daganaansha ku dadaashaan. Buqcadan aynu ku noolnahay ayuun baynu dhaxal ayaan iyo isir ahaanba u dhalanay aynu wanaageeda ka shaqaynu cid kasta oo horumar jecelna aynu gacamo furan ku soo dhawayno.  

                                                               AAMIIN   AAMIIN   AAMIIN
 
< Prev   Next >

Player Profiles

 

 
 

 
 
 
 
 
 
 
 

 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
Polls
Sideed u aragtaa Ciyaaraha Dalkeena?
 
Yaa Ka Masuul ah Ciyaaraha Dalka ?
 
 
Copyright Somalsports
Top! Top!