Home
Wednesday, 08 September 2010
 
 
UEFA Oo Diiday Racfaankii Ay Qaateen Ciyaaryahanada Fletcher, Abidal Iyo Alves Print
Wednesday, 13 May 2009

 Ciyaaryahanka khadka dhexe ee kooxda Manchester United Darren Fletcher iyo difaacyada  kooxda Barcelona ee kala ah  Eric Abidal iyo Daniel Alves ayaa wada seegi doona finalka koobka Kooxaha Horyaalada Yurub ee Uefa Champions League kadib markii  uu diday xidhiidhka kubbada cagta ee Yurub racfaan ay soo gudbiyeen maamulka labada kooxood.

Hadal qoraal ah oo kasoo baxay guddiga dishibiliinka ee  Qaarada Yurub ee UEFA ayaa lagu sheegay in labada kooxood  ee Barcelona iyo Manchester United ay ku guuldaresyteen racfaan ay u gudbiyeen UEFA kaasoo ay ku codsadeen in lagu cafiyo ciyaartooyda aan soo sheegnay kuwaas oo haysta  ganaaxyo.

"Ma jirto wax laga bedelayo go,aanki ay hore  u gaadheen garsoorayaasha, runtii ma aha wax laga naxo ama lala yaabo in ciyaaryahan uu ka maqnaado ciyaar finalka ah waa wax horay usoo dhacay "sidaa waxa u sheegay wakaalada wararka ee Rueters xoghayaha guud ee  UEFA, David Taylor .

Saddexda ciyaaryahan ee kala ah Darren Fletcher oo Manchester United u safta, Eric Abidal iyo Daniel Alves oo labaduba Barcelona ah ayaa dhameysan doona min hal ganaax  taasoo macnaheedu yahay in ay ka maqanaan doonaan ciyaarta finalka Koobka Kooxaha Yurub oo ay 27-ka bishan ay  ku dagaalami doonaan magaalada Roma kooxda Man Utd iyo Barcelona.

Ma aha ciyaaryahanadi ugu horeeyey ee ganaax uga maqnaada finalka koobka horyaalada yurub ee waxa jira ciyaartoy caan ah oo seegay kulan sidan qaali u ah, waxaa ka mid ah Pavel Nedved kaas oo seegay sanadkii 2003-di ciyaar final ah oo dhex martay kooxdiisa Juventus iyo AC Milan markaas oo ay kooxda Milan hanatay, sidoo kale ciyaaryahanada kooxda Manchester ee Roy Keane iyo Paul Scholes oo ka maqnaa sanadi 1999-kii ciyaar final ah oo dhexmartay kooxaha Man Utd iyo Bayern Munich.

Sidoo kale ciyaaryahanada Kooxda AC Milan Franco Baresi iyo Alessandro Costacurta ayaa seegay ciyaar final ah oo dhexmartay kooxaha AC Milan iyo Barcelona sanadkii 1994-kii, ciyaartaas oo ahayd finalka koobka Yurub ayaa waxa 4 gool ku badisay kooxda Milan laakiin labadaas ciyaartoy ayaa ganaax uga maqnaa, ciyaaryahanka la yidhaahdo Costacurta ayaa markale nasiib daro ku dhacday markii laga ganaaxay finalki dhexmaray sanadkii 1994-kii xulalka Italy iyo Brazil.

Somal Sports Reporter

M. Dube

 

 

 
< Prev   Next >

Player Profiles

 

 
 

 
 
 
 
 
 
 
 

 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
Polls
Sideed u aragtaa Ciyaaraha Dalkeena?
 
Yaa Ka Masuul ah Ciyaaraha Dalka ?
 
 
Copyright Somalsports
Top! Top!