Home
Sunday, 05 September 2010
 
 
Wasiir ku xigeenka wasaaradda cayaaraha Somaliland oo si aad ah loogu soo dhaweeyay Magaalada Oslo Print
Tuesday, 23 March 2010
 Wsiir ku xigeenka Mudane Cabdi Yusuf oo shalay soo gaaray magaalada Oslo ayaa waxaa si heer sare ah u qaabilay Jaliyadda Somaliland ee Norway ,Bahda Cayaaraha iyo waxgarad badan oo si hees sare ah u qaabilay Masuulkan.

Waxaana markuu soo gaaray ugu horeen qaabilay wasiirka safiirka somaliland ee Norway Mudane Maxamed aaden Lenin oo si qurux badan ugu soo dhaweeyay xafiiskiisa magaalada oslo isagoo aay waheliyaan xubno ka mid ah jaaliyadda kadib waxaa wasiir kuxigiinka uu ka qaayb galay kulan balaarnaa oo lagu gorfeeynayay sidii 18 may loogu diyaargaroobi lahaa isla markaana loogu soo dhaweeynayay wasiir ku xigeenka goobtaas oo aad loo agaasimay aayna ku sugnaayeen bahda cayaaraha iyo xubno badan oo Jaaliyadda somaliland ee Norway ka tirsan.

Waxaana si sharifi ku jirto u soo dhaweeyay Wakiilka Somaliland ee Norway Mudane Liinen waxaana uu sharaxaad ka bixiyay sababta wafdiga wasiirku xigeenka cayaaruhu aay u yimaadeen Oslo oo uu ku tilmaamay isbarasho dhexmarta bahda cayaaraha iyo wasiir ku xigeenka waxaanu uu hadalkii siiyay Mudane Cabdi Yusuf waxaana cadeeyay in uu u socdo barasho iyo taageero uu ka raadinayo bahda cayaaraha isagoo ka hadlayana waxa uu yiri waxaan ku faraxsanahay in aan idin soo booqdo maadaama aad tihiin dhainyaro iyo jaaliyad firfircoon waxaanan anigu xilkan hayay mudo 5 bilood ka badnaayn waxaana jecelahay in aan isbadal badan oo dhanka wax qabadka ah aan ka gaaysto hadeey noqon lahaayd garoomada iyo dayactirkaba waxaanan maanta gacanta ku haaynaa 12 garoon oo magaalada hareereheeda ah oo aanu doonaayno in aay dhalinyaradu kaga maarmaan garoon laanta jirta ,waxaan kaloo doonaaynaa in qurbajoogiina aad nagala qaaybqaadataan dhinac walba idinkoo tartamo ku qabsan doona dalkii si isbarasho aay u dhexmarto dhalinyarada debada iyo gudahaba sidii meel qura la iskula jaan qaad lahaa.


Waxaa kaloo masuulku ka dhawaajiyay sida aay uga raali yihiin dadaalka dhalinyarada Norway aay ku doonayaan sidii aay garoonka hargeisa uga dhigi lahaayen cawska artifishalka ah waxaanu yiri waan idiin hambalyeeynayaa anaga dhinacayagana sidaan horeba idiinku sheegnay raali ayaanu ka nahay dadaalka aad ugu jirtaan hawsha aad ku doonaaysaan in aad garoonka Hargeisa cawska artifishalka ah loogu dhigi lahaa waxaana dhankayaga buuxin doonaa shuruud kasta oo nalaga doonayo waanan idiin hambalyeeynayaa.


Intaas kadib waxaay dadkii goobta fadhiyay uu ka dhageeystay suaalo iyo talooyin waxaana ka mid ahaa dadkaasi Cabdirahmaan Salax lisaaye, Saciid maxamed Amin,Kayse, Alfanaan Injineer Himilo,iyo xassan waraabacade oo si aad u faahfaahsan talooyi wax ku oola u soo jeediyay.
Kadib waxaa loo diyaariyay qado sharaf si fiican loo soo agaasimay waxaanu fiidnimadii xalay kulan xogwareeysi ah la qaatay bahda cayaaraha gaar ahaan dhalinta cuslaatay ee Old Boys waxaayna iska xogwareeysteen sidii loo dardar galinlahaa cayaaraha iyo in muhiim tahay in la isku tashado oo aan cid la sugin laguna dhiirado in la bi;aabo in la dhiso xidhiidhao tayo leh iyo olymbiga qaranka taasoo hawlaha maanta idin hortaagan aay idiin fududaan lahaayd.
waxaana intaas ku soo gabagaboobay kulankii Jaaliyada iyo Wasiirku xigeenka ee Oslo
ilaa mahad leh

 
< Prev   Next >

Player Profiles

 

 
 

 
 
 
 
 
 
 
 

 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
Polls
Sideed u aragtaa Ciyaaraha Dalkeena?
 
Yaa Ka Masuul ah Ciyaaraha Dalka ?
 
 
Copyright Somalsports
Top! Top!