| Wasiirku Ciyaaraha Somaliland oo ku hanjabay in xukuumaddu ay tallaabo ka qaadayso dhalinyaradaas |
|
| Sunday, 13 December 2009 | |
|
Koox ciyaaryahanno ah oo ku socda magaca gobalka sanaag ayaa la sheegay inay ka qayb galeen ciyaaro kubada cagta ah oo ka socda magaalada puntland ee somaaliya. Wasiirka ciyaaraha Somaliland maxamed siciid maxamud oo wargeyska ogaal wax ka waydiiyay arintan, ayaa ugu harayn ku jawaabay ‘ horta xulkii gobalka maaha ee waa shan inan(wiil) oo wailba meelihii aan laga filayn ah (inay tagaan) ama dadkii aananu ka filayn ee mar walba xaggan (hargeisa) iman jiray bay ahaayeen ee dhinaca galbeedka ah, markaa markii aani arrintaa maqalnay ayaa markiiba waxaanu degdeg u dirnay agaasimihii guud ee wasaarada dhalinyarada iyo ciyaaraha isaga ayaa jawaabtii ku maqan iyo hawshaa ciddii ka dambaysa’
Wasiirku wuxuu ku hanjabay in xukuumaddu ay tallaabo ka qaadayso dhalinyaradaas haddii aanay si degdeg ah u soo noqon, kuwaas oo uu sheegay inay hore digniin ugu jeediyeen, waxaanu xusay in Somaliland ay ciyaaryahano isugu geynayso puntland, isla markaana wuxuu tallaabadaa ku tilmaamay mid khiyaamo-qaran ah, ‘’ haddii ay soo noqon waayaan oo si deg deg u soo noqon waayaan, anigu hore digniin baan uga bixiyay haddana waxaan leenahay waa khiyaamo qaran oo waxaa la yidhi soomaaliya ayaa halkaa (puntland) wax isugu keenaya, anaguna Somaliland baanu nahay oo shaqo kumaanu lahayn, horena ugamaanu qayb galin jirin, markaa waxa weeye, cidda meeshaa inaga tagta ee inaga tirsan, liiskooda iyo magacyadooda ayaanu dhigaynaa sharciga ayaana lala tiigsan doonaa hadii ilaahay idmo’’ ayuu yidhi wasiirku.
Wasiirka ciyaaraha waxa kale oo uu sheegay in agaasimaha guud ee wasaaradiisu shalayba la kulmay waalidiinta ciyaaryahanadan. ‘agaasimuhu wuxuu maanta (shalay) u yeedhay waalidiintii inamada (ciyartoyga) dhalay, waxaannu doonaynaa in aanu wax ka qabasho degdeg ah ka qabano, waayo waa waalidiinta kuwa la odhanayo waa in aad wax ka qabataan innamadiina hadii aad hadhow soo caban doontaan’ Ayuu yidhi.
Mar aanu wasiirka waydiinay macnaha joojintoodu hadda samaynayso, maadaama ay ciyaarihii kaba qayb galeen oo ay tageen, waxa uu ku jawaabay oo uu ydhi ‘‘waxba waxaasi wax maaha, nin iyo laba meel iska tegay cid ma meteli karaan oo magac ma qaadan karaan. Iyagaana dambiilayaal ah. Hadii ay ka soo badbaadaan nasiib bay leeyihiin, meel aan amnigeedu sugnayn oo halis ku sugan. Iyagaaba maanta badbaado u baahan ee waxba inama yeeli doonaan’’
Source Wargeyska Ogaal ( Vol: caddadka 933) |
| < Prev | Next > |
|---|






















