Home
Wednesday, 08 September 2010
 
 
Xubin ka tirsan Jaaliyada qurbojooga reer Awdal ee Canada oo magaciisa la yidhaa Rashid Cabdi Bakaal Print
Wednesday, 17 February 2010

 Djibouti(Saylac.com) Wararka naga soo gaadhaya magaalada Borama ayaa sheegaya in dhawaalaba uu socdaal ku joogay magaalaada Borama xubin qurbo jooga reer Awdal ee Canada tirsan oo magaciisa la yidhaahdo Rashiid Cabdi Bakaal kuna magacdheer Mulac.

Wararka ayaa waxay intaa ku dareen in Rashid Cabdi uu wadahadalo jagada lagaga xayuubinayo tababaraha kubada cagta ee xulka Awdal uu si qoto dheer ugu fogaaday inuu kala hadlo kuna dhiiri galiyo Agaasimaha Ciyaaraha gobolka awdal Mudane Cabdiwahab Yusuf Gadhle oo ay saxiibo hore ahaan jireen.

 

Wararka ayaa waxay intaa ku dareen in Arinkani qalafsan ay ka xumaadeen dhamaan ciyaartowda gobolka Awdal oo iyagu qaadan waayey sababta jagada looga xayuubinayo tababare Samaroon Cabdilahi Cilmi oo ah tababare aad looga jecel yahay gobolka Awdal.

Hadaba murankan ugu danbeeyey ayaa waxa la sheegay inuu ka dhashay ka dib markii xulka kubada cagta ee gobolka awdal uu martiqaad ciyaar saaxiibtinimo ka helay wadanka Jabuuti qabanqaabada ciyaartan saaxiibtinimo oo uu hormuud ka ahaa Ururka horumarinta Dhalinyarada iyo Ciyaaraha ee Gurmad.

 

Tababaraha xulka kubada cagta ee gobolka Awdal Mudane Samaroon Cabdilahi Cilmi ayaa waxa uu dadaal weyn ugu jiray socdaalka ciyaartowda kubada cagta gobolka Awdal.

Tababare Samaroon ayaa waxa uu todobaadkii inaga tagay socdaal ku tagay magaalada Hargeysa si uu ula kulmo  wasiirka ciyaaraha Jamuuriyada Somaliland uguna bandhigo socdaalka ciyaartowda gobolka Awdal.

 

 Arintan ayaa hada ka hor Wasiirada dhalinyarada iyo Ciyaaraha Jabuuti ku xidhay xulka kubada cagta ee Awdal si amaankooda si heer qaran ah dalka Jabuuti isaga xilsaaro loona diyaariyo askar iyo Huteelo ay ku dagaan in marka hore nidaamka baratakoolka dawliga ah ay soo maraan.

 Tabaraha ciyaaraha kubada cagta gobolka Awdal mudane Samaroon ayaa ku hawlanaa sidii Wasiirka ciyaaraha Jamuuriyada somaliland arinta socdaalkooda ugu soo badhigi lahaa  si uu wasiirka ciyaaraha somaliland  waraaq fax  ah ugu diro wasiirada ciyaaraha dalka Jabuuti dabadeed soo dhaweynta ciyaartowda Awdal Jabuuti ugu diyaar garawdo.

 

Arintan Muhiimka ah ayuu kasoo dhalaaley Mudane Samaroon usbuucii inaga tagay isagoo la kulmay wasiirka ciyaaraha Jamuuriyada Somaliland kana soo dhameeyey socdaalka ciyaartowda ee dalka Jabuuti. Mudane Samaroon waliba waxa uu   talo wadaag arimahan kala yeeshay agaasimaha ciyaaraaha gobolka Awdal iyo ururka horumarinta dhalinyarada iyo ciyaaraha ee Gurmad.

Hadaba isagoo ka duulaya hayb qabiil iyo waxaan bahda ciyaaraha gobolka caado u ahayn ayuu Rashiid Cabdi Bakaal u xadhko xidhay sidii uu iskaga horkeeni lahaa agaasimaha ciyaaraha gobolka awdal iyo Tababare Samaroon oo ah nin dhalinyar ah firfircooni dheeraada ahna Eebe siiyey. Rashiid ayaa la sheegay inuu Cabdiwahaab Yusuf Gadhle ku dhiiri galiyey inuu ka takhaluso tababaraha ciyaartowda gobolka Awdal isagoo wax sabab ah aan u soo bandhigin marka laga reebo hayb qabiil oo uu adeegsanayey oo kaliya.

 

Arintan ayaa waxay dhalisey in maanta agaasimaha ciyaaraha gobolka awdal oo aan wax talo wadaag ah le yeelan ciyaartowda gobolka Awdal uu shir jaraa’id ku sheegay inuu ku talo jiro jagada tababare inuu ka casilo Mudane Samaroon Cabdilahi Cilmi. Wararka ayaa intaa waxay ku dareen in dhamaan ciyaartowda kubada cagta ee Borama ay arintani ku noqotey qaadan waa iyo fajac  iyo waliba dhabano hays!!

 

Dhinaca kale Ururka Gurmad oo aanu maanta khadka telefoon kula xidhiidhnay ayaa waxay noo sheegeen inay aad uga xumaadeen rabshada aan geedna loogu soo gaban ee la dhex dhigay ciyaartowda sidii kale u dayacan ee bilaa garoonka iyo adeegla’aantuba iskugu biirtey. Ururka Gurmad ayaa waxa ay shegeen inay dhawaan warsaxaafadeed kasoo saarayaan mawqifkooda ku wajahan tageerada ay u hayaan Tababare Samaroon cabdilahi Cilmi oo uu ururku sheegay inuu yahay Muwaadin aan cidina Borama u sheegan karin isla markaana ah halyey da’yar oo wakhtigiisa oo dhan siiyey u adeegida ciyaaraha iyo kobcinta dhalinyarada ciyaarta.

 

Sidoo kale magaalada Jabuuti oo laga filayey ciyaartowda gobolka Awdal ay dadku qaadan waayeen sababta hada dhalisey khilaaf jagada lagaga xayuubinayo tababare Samaroon waxaana dadku ka cabsi qabaan in go’aankasta oo Jagada lagaga xayuubiyo Tababare Samaroon uu dhalin karo khilaaf weyn oo ciyaaraha gobolka Awdal ku habsada iyo dibudhac ku yimaada socdaalka ay ciyaartowda gobolka Awdal ugu kicitimo lahaayeen magaaalada Jabuuti.

 

“Ne vous attendez pas favorable et l’amitié de la presse- Don’t expect favor and friendship from the Press.-Haka filin saxaafada saaxiibtino iyo xaglin”  

Osman Hussein
Saylac.com
Djibouti

 

 
< Prev   Next >

Player Profiles

 

 
 

 
 
 
 
 
 
 
 

 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
Polls
Sideed u aragtaa Ciyaaraha Dalkeena?
 
Yaa Ka Masuul ah Ciyaaraha Dalka ?
 
 
Copyright Somalsports
Top! Top!