Home
Wednesday, 08 September 2010
 
 
Xukuumada Somaliland oo markii u horaysay sheegtay sababta tartanadiii gobolada loo qaban waayay Print
Friday, 19 February 2010
 Hargeisa (GOLISNEWS)waxaa maanta markii u horaysay wasaarada dhalinyarada iyo ciyaaruhu shaaca ka qaaday isababta loo joojiyay tartannadii kubada cagta iyo kolayga aanay ahayn itaal daro dhaqaale ee ay tahay arin xaga amniga la xidhiidha oo loo maaro waayay, arintan ayuu agaasimaha wasaarada dhalinyarada iyo ciyaaruhu sheegay mar uu saaka ka qayb galay shir imperial ay kulahaayeen ururada dhalinyarada iyo ardayda jaamacadaha Somaliland oo loogu googol xaadhayay maalinta dhalinyarada Somaliland.
 
Guud ahaan bulshada iyo bahda ciyaaraha ayaa in badan iswaydiinayay sababaha ka danbeeya in la hakiyo tartanadii ay sanad walba goboladu isku haleeli jireen ee ka dhici jiray caasimada waxaanay ku hanwaynaayeen in maruun dib loo furo tartanadaas laakiin arintan uu saaka agaasimaha guud ee wasaarda ciyaaruhu ku dhawaaqay ayaa dhabar jab ku ah hamigaas ay bulshadu qabtay waayo waxa uu ahaa tartan lagaga nasto guud ahaan waxyaabaha xun xun bilawna u ahaa hanaanka horumarinta sportiga ee wadankeena.
Tartankan ayaa waxa ugu danbaysay qabashadiisa sanadii 2005 oo ay kubada cagta qaaday kooxdii  gobolka TOGDHEER ku ciyaaraysay kadib markii ay afka dhulka u dartay xidigyadii gobolka HARGAYSA ku ciyaarayay,
 
Mar aan wax ka waydiiyay dhalinyaradii ku sugnayd shirka qaban qaabada maalinta dhalinyarada Somaliland ayaa waxay aad wax laga xumaado kutilmaameen in dawladu sugi kari waydo ama ay u maaro waydo 6 gobol ciyaartoydoodii amnigooda waxaanay calaamatu su’aal geliyeen awooda kale ee ay yeelan karaan
 
Ciyaarahan ayaa waxa dawlada ka soo geli jiray lacag adag laakiin waxaa sanadwalba laysku eedayn jiray in ay cid gaara lacagtaasi qasnada ugu dhacdo sifo qaldana lagu maamulo waxa kale oo sanad walba lagu daraa miisaaniyada dawlada hadana lama qabto oo wasaarada dhalinyarada iyo ciyaaruhu waxay u taag la’dahay  tartamada yaryar ee kooxahah  heerarka kala duwani ku qabsadaan garoomada waaweyn ee caasimada
 
 
Xigasho Golis News
 
< Prev   Next >

Player Profiles

 

 
 

 
 
 
 
 
 
 
 

 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
Polls
Sideed u aragtaa Ciyaaraha Dalkeena?
 
Yaa Ka Masuul ah Ciyaaraha Dalka ?
 
 
Copyright Somalsports
Top! Top!