Home
Wednesday, 08 September 2010
 
 
YAA KA MASUUL AH DAYACAADA KOOXAHA HEERKA LABAAD HAYSATA? Print
Sunday, 12 October 2008

Qalinkii: -Mustafe Ali Cabdalle
Hargiesa, Somalilnad Mustafe Cali Cabdalle

Anigoo ah muwaadin reer Somaliland kana mid ah bahda sportka Somaliland ayaa waxa in badan dareenkayga maskaxeed gubaysey dhibaatadda baahsan ee haystaa kooxaha heerka labaad ee dalka, dhibaatooyinkaas oo caqabad ku ah harmarkooda iyo himaladooda ee dhanka Sportiga ay hiigsan lahayeen.

 

Sideedaba kooxaha ka dhisan Magaalda Hargeysa ayaa waxaa loo qaybiyaa sadex qaybood oo kala ah heerka kowaad, labaad iyo sadexaad, mana arkaysid ilaa 4tii sanadood ee u danbeysey koox heerka labaad ah oo la yidhi waxay u gudubtay heerka kowaad, waxaanad arkaysa dhalinyaro iyaga oo yar yar kubada ku bilaabay heerka labaad maantana ku gaboobay isla halkoodii iyada oo aanay jirin qorshayaal cad cad oo ay ku gaadhaan hadafkooga iyo Riyooyinkooda oo ay u dajisay Xidhiidhka K/cagta ee JSL.

 
Waxaa iyana jirta dhibaato kale oo kooxaha heerka labaad haysta taasi oo ah in kooxaha waaweyn ee heerka kowaad ay bili liqo weyn ku hayaan ciyaartoyga kooxaha heerka labaad ee aan marka horeba niyad ku wada joogin, marka koox kasta oo wanaagsan ama si fiican u soctay laga qaato ciyaartoygii ugu wanaagsanaa iyada oo ciyaartoyga lagu soo jiidanayo qiimo lacageed oo aad u yar oo aan gaadhsiisneen $30 waxay taasi niyad jab weyn ku keentaa niyada inta hadhay ee ciyaartoyga kooxaha heerka labaad sababna u noqota inay kooxdaasi halkaas ku burburto. 

Waxaanan ugu baaqayaa dhalinyarada yar yar laftigoodu in aanay eegin lacagta qiimaha yar ee loogu carab laalaadinayo balse ay ka fikiraan mustaqbalka kooxahooda kuna dedaalaan inay sameeyaan iyo isbadal kubadeed oo dalkooda sumcad ugu soo jiidaan, kuna dedaalaan iyaga oo is haysta ay sidaa marka hore ku gaadhaan kooxaha heerka kowaad taas oo uga sharaf iyo magac wanaagsanaan doonta qiimaha yar ee ay kaga ordayaan kooxahooda ay la soo barbaareen.

Ugu danbeyntii waxaan ku talin lahaa in loo gurmado kooxaha heerka labaad ee dayacan, dhanka kale waxaan ugu baaqayaa Masuuliyiinta Xidhiidhka K/cagta sidii ay Masuuliyad isaga saari lahayeen oo ay u soo saari lahyeen ciyaartoy iyo kooxo yar yar oo cusub isla markaana tayo iyo farsamo cusub ku soo kordhiya Mustaqbalka Isboortiga S/land.
 
< Prev   Next >

Player Profiles

 

 
 

 
 
 
 
 
 
 
 

 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
Polls
Sideed u aragtaa Ciyaaraha Dalkeena?
 
Yaa Ka Masuul ah Ciyaaraha Dalka ?
 
 
Copyright Somalsports
Top! Top!