|
Marka hore waxaan salamayaa bahda shabagada somalsports oo ah bah ku hawlan usoo gudbinta dhacdooyinka ciyaaraha ciyaartoyda dalka, mar labaadna waxaan salamayaa bahda ciyaartoyda reer somalilanad meel kasta oo ay joogaan.
Waxaan rabaaa maanta in aan wax yar kayara hadlo xaalada sports dalkeen oo aan in badan isweydiiyay markii aan waayay dhaqdhaqaaqoodii tartanadii aan ku aqaanay ee lagu qaban jiray dalkeena oo ay ii ahayd mid aan ku farxi jiray markii aan wayay ayaaba is idhi war malaha dalkiiba ciyaarihii waaba layska daayayba hadana waxaan arkaa oo aan ka aqristaa websitedada ciyaaraha oo ay soo gudbiyaan dalka oo ciyaaro lagu xusayo xus heblaayo iyo Maalmo gaar ah oo la samaystay sida Maalinta Qaaxada, malinta Biyaha iwm. markaasaan hadana is idhi walee waa la ciyaaraa kubadihii waxaa is kay qaban waayay war hadaba aaway tartanadii sida horyaalkii sare A oo aan laqaban in dhaweyd iyo tartankii xiisaha badnaa ee gobolada oo labadaaba tartan aan is leyahay dadkiiba waa ilaabeen Waxaan kaloo isweydiiyay xidhiidhkii kubada cagta aaway oo hadana gudoomiye u yahay cabdi rashiid caydiiy oo ah nin u tafo xeydan jiray horumarinta sports oo aan ku xasuusto intii wasaarada dhalin yarada iyo sports ay ahayd mid fadhiida oo uu kamid ahaa ragii u tafo xaydan jiray socodsiinta ciyaaraha xiliyadaas oo uu ahaa mid iskii isku xil qaamijiray,waxaan hada isweydiiyay C/Rashiid oo xiligan ah G/X/K/cagta aaway kartidiisii mise wasaarada ayaa ah siyaasadeeda curyaaminta ciyaaraha dalka oo sharcigaasaa xakameeyay Waxaan maqlay maalin dhaweyd in uu so saaray xidhiidhka kubada cagta sharci lagu maamulaayo ciyaaraha, waxaan layaabay intaa aan aqaanay xidhiidhka kubada cagta iyo intuu jirayba oo ah 10 sano hadeyba ka badneyn oo ay mar walba soo saari jireen sharuuc, war aaway sharuucdii aad ku maamuli jirteen tartanadii intasoo sano la ciyaari jiray mise hada ayaa tartan soo dhowyahay oo waxaad leedihiin sharuucdii hore dadkii waa ilaawen oo dib ayaa loo barayaa waxaa fajiciso ah wasaarada iyo xidhiidhkuba ku mashquulinaaayaan ciyaartoydii dalka marba sharuucbaan soo saarnay iyo maawelooyin kale wasarada iyo xidhiidhka waa la yaqaanaa intey dhisanyihiin maanta loogama fadhiyin in ay yiraahdaa sharuucbaanu soo saarnay ee waxaa loga fadhiyey tartan baanu soo wadnaa haka daayaan baan leeyahay maaweelooyinka waxaan jeclaan lahaa in aan la fiirsan wasaarada iyo xidhiidhkuba sida ay ula dhaqmayaan sportska dalka oo aan leeyahay rag badan dalka waa joogaan oo ah rag khubaro ah oo ku xeel dheer ciyaaraha noocey doona ha ahaadee in ay u gurmadaan caruurtooda aa ay haysatodhibaado aad iyo aad u weyn oo laga furo xadhiga laba dibleynta ay ku xidhay wasaarada xukuumadana iyo golayaasha sare waxaan leeyahay dalka mustaqbalkiisa iyo ubaxiisa waa dhalinyarada wasaaradna waa loo magacaabay waa in ay eegaan wax khabadka wasarada oo ay la xisaabtamaan cida ay uso igmade waana in ay hoos u eegaan xaalufinta ayku hayso ciyaartoyda dalka Iliyas Filand
This e-mail address is being protected from spam bots, you need JavaScript enabled to view it
|